Home » Falanqeynta » Falanqeynta Dhamaan Kulamada Maanta Oo Sabti Ah Laga Ciyaari Doono Horyaalka Premier League

Falanqeynta Dhamaan Kulamada Maanta Oo Sabti Ah Laga Ciyaari Doono Horyaalka Premier League

EPL

Maanta waxaa la ciyaari doonaa kulamo dhowr ah oo ka tirsan Horyaalka Premier League waana kulamadii 15-aad ee xili ciyaareedkaan, Hogaamiyayaasha Premier League Arsenal ayaan maanta ciyaari doonin.

Man United, Chelsea, Liverpool & Man City ayaa dhamaantood wada ciyaari doona maanta, inkastoo maanta daqiiqad loo istaagi doono madaxweynihii hore dalka South Africa Nelson Mandela “Madiba”

Kulanka Ugu soo horeeya horyaalka wuxuu dhexmari doonaa kooxaha Man United & Newcastle kuwaas oo isbuucii hore dhamaadkiisii la kulmay guuldarooyin naxdin leh.

Manchester United vs Newcastle United 

Garoonka: Old Trafford

Garsoore:  A. Marriner‎

Saacadda: 3:45 Galabnimo Geeska Africa

Manchester United ayaa Old Trafford kusoo dhaweyn doonta Newcastle xili labadaan kooxood ay guuldarooyin la kulmeen kulamadii isbuuc dhamaadka.

Man United ayaa guuldaro ay kasoo gaartay Everton halka Newcastle ay iyana guuldaro xanuun badan kala kulantay Swansea City, sidaas oo ay tahay Newcastle ayaan guul kusoo gaarin Old Trafford tan iyo 1972-dii.

Man United ayaana ku qasban iney sameyso isbadal xoog leh inkastoo uu ka maqan yahay RVP oo shaki la galiyay soo laabashadiisa kulankaan.

Micheaal Carrick ayaa sidoo kale ka maqanaan doona, Balse United ayaa dib u heli doona Jones oo ka maqnaa kulankii Everton.

Wayne Rooney oo ah hogaamiyahooda ayaa seegi doona kulankaan kaas oo ganaax ku maqan madama ay Shan Jaale u arureen 14-kii kulan ee uu ciyaaray horyaalka.

Dhanka Kale Everton ayaa la kulantay guuldaro kadib markii bil wanaagsan ay soo qaateen xagagan November waxey gaareen 4-guul oo xiriir ah, Loic Remy iyo Gourfran oo min 3-gool dhaliyay afartii kulan ee ugu dambeeyay ayaana isbuucii hore dhamaadkiisii wax gool ah dhalin.

Newcastle ayaa fadhisa kaalinta 7-aad Halka united ay fadhiso kaalinta 9-aad.

SAFKA HORE EE LABADA KOOXOOD:

Man United (4-2-3-1): De Gea; Rafael, Smalling, Vidic, Evra; Jones, Cleverley; Nani, Welbeck, Januzaj; Hernandez.

Newcastle (4-4-2): Krul; Debuchy, Coloccini, Yanga-Mbiwa, Santon; Sissoko, Cabaye, Tiote, Gouffran, Remy, Shola Ameobi.

Liverpool v West Ham

Garoonka: Afield

Garsoore:  Michael Oliver

Saacadda: 6:00 Maqribnimo Geeska Africa

Liverpool ayaa soo dhaweyneysa Aston Villa maanta iyadoo bartamihii isbuuca 5-1 ku soo garaacday kooxda Norwich City kulankaasoo uu afar gool dhaliyay xiddigooda weerarka Luis Suarez islamarkaana uu caawiye ka sii ahaa goolkoodii shanaad.

Suarez ayaana kulankaas noqday ciyaaryahankii ugu horeysay ee Premier League iyo Liverpool ee seddex seddexleey ka dhaliya hal koox.

Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaan qabin dhaawacyo cusub uu ka walwalo ka dib kulankii ay xaaqeen Norwich City.

Weeraryahan Daniel Sturridge ayaa dhaawac ku maqnaanaya ilaa iyo sannadka cusub, halka Jose Enrique uu isna dhaawac la maqnaanayo ilaa iyo Febraayo, waxaana isna weli dhaawac ah daafaca reer Uruguay Coates.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee West Ham Ravel Morrison ayaa ganaax ku maqnaanaya kulanka maanta ka dib markii uu qaatay jaalihiisii shanaad ee xilli ciyaareedka.

Razvan Rat ayay u badan tahay inuu seegayo kulankaan ka dib dhaawac muruqa ah oo soo gaaray, halka Andy Carroll uusan ciyaari doonin inkastoo uu ku soo laabtay tababarka.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Liverpool (4-2-3-1): Mignolet, Johnson, Skrtel, Agger, Flanagan; Gerrard, Allen; Henderson, Coutinho, Sterling; Suarez.

West Ham (4-5-1): Jaaskelainen; Demel, Tomkins, Collins, O’Brien; Jarvis, Noble, Diame, Nolan, Downing; C Cole.

Southampton v Man City

Garoonka: St Mary’s Stadium

Garoosre: Anthony Taylor

Waqtiga: 6:00 Maqribnimo Xiliga Geeska Africa

Guulo waa weyn oo isku xigixugay ayaa Manchester City soo geliyay kaalinta seddexaad iyagoo lix dhibcood ka hooseeya kooxda hogaanka heysa ee Arsenal, laakiin qaab ciyaareedkooda marka ay ka maqan yihiin garoonkooda ayaan aheyn mid aan caga badan ku taagneyn, iyagoo guul 3-2 ka gaaray kulankii ay bartamaha isbuuca martida u ahaayeen West Brom.

Southampton ayaa waxaa isagu soo dhawaanaya kulamada adag ee ay wajahayaan iyagoo dhawaan la soo ciyaaray Arsenal iyo Chelsea oo ay marti u ahaayeen iyago Man City oo ay haatan soo dhaweynayaan waxaana ay Southampton u dhacday kaalinta 8aad iyagoo leh 22 dhibcood.

Dhaawacyada hareeyay Southampton ayaa ka sii daraya mar walba iyadoo Victor Wanyama uu dhaawac lugta ah soo gaaray islamarkaana uu sidoo kale dhaawacmay Nathaniel Cylne kulankii ay bartahama isbuuca guuldarada kala kulmeen Aston Villa.

Jose Fonte ayaa shaki uu ku jiraa laakiin Gaston Ramires ayaa ka soo kabsaday duray xun.

Kabtanka Manchester City Vincent Kompany ayaan wax dhibaato ah la kulmin markii uu garoonka ku soo laabtay bartamihii isbuuca sidaasi darteed kulankaan waa uu ku soo bilaaban doonaa.

Matija Nastasic, David Silva iyo Stevan Jovetic ayaa dhamaan dhaawacyo ku maqan.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Southampton (4-2-3-1): Gazzaniga; Clyne, Lovren, Fonte, Shaw; Schneiderlin, David; Ward-Prowse, Lallana, Rodriguez; Lambert.

Man City (4-3-3): Pantilimon; Zabaleta; Kompany, Demichelis, Clichy; Fernandinho, Toure, Navas; Nasri, Aguero, Negredo.

Stoke City v F.C. Chelsea

Garoonka: Britannia Stadium

Garsoore Jon Moss

Waqtiga: 6:00 Maqribnimo Xiliga Geeska Africa

Chelsea ayaan guuldarro aysan ku soo gaarin Britannia Stadium tan iyo intii Stoke City ay timid Premier League, waxaana ay Stoke u safrayaan iyagoo seddex guul oo isku xigta soo gaaray islamarkaana weli ku daba jira kooxda hogaanka heysa ee Arsenal.

Kooxda Jose Mourinho ee kooxda labaad ku jirta ayaa sidoo kale ciyaarihii u danbeysay shabaqa in badan soo taabaneysay iyagoo dhaliyay 10 gool seddexdii kulan ee ugu danbeysay oo ay ku jirto afar kulan ay ka dhaliyeen Sunderland arbacadii kulankaasoo 7 gool la iska dhaliyay wadar ahaan.

Daafaca garabka ka ciyaara Erik Pieters ayaa shaki weyn uu ku jiraa isagoo dhibaato ka qaba gumaarka, waxaana laga yaabaa in Marc Muniesa inuu ciyaaro kulankiisii ugu horeysay.

Marc Wilson ayaa dadaal ugu jira inuu ceshto booskiisa madaama uu dhaawac ku maqan yahay daaficii hore ee Chelsea Robert Huth.

Tababaraha Chelsea Jose Mourinho ayaa sheegay in dhaawac jilibka ah uu u diiday David Luiz inuu ciyaaro halka Oscar uu ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah balse laga yaabo inuusan ciyaarin.

Weeraryahanka reer Cameroon Samuel Eto’o ayaa isna diyaar ah haatan ka dib markii uu labadii kulan ee ugu danbeysay ku seegay dhaawac gumaarka ah.

LINE-UPKA MACQUULKA AH:

Stoke City (4-4-1-1): Begovic; Cameron, Shawcross, Wilson, Pieters; Nzonzi, Whelan, Adam Arnautovic; Assaidi; Crouch.

Chelsea (4-2-3-1): Cech; Ivanovic, Cahill, Terry, Azpilicueta; Ramires, Mikel; Hazard, Mata, Willian; Torres.


Waxaa Aqrisay: (200)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>