Bayern Munich ayaa la ciyaari doona Borrusia Dortmund iyadoo uu ka maqan yahay Hogaamiyahooda reer France Franck Ribery kaas oo dhaawac kasoo gaaray kulankii Ukraine ee jimcihii.
30-jirkaan ayaa la xanuunsanayo dhaawac kasoo gaarya kulankii geesinimada ay muujiyeen ee State De france ka dhacay ee Ukraine ay ku garaaceen taasoo u sahashay iney soo gaaraan Koobka Aduunka.
Franck ayaa weyn doona kulan muhiim ah oo ay sabtiga la ciyaari doono Borrusia Dortmund, taasoo kaalinta labaad kaga jirto horyaalka Bundesliga.
“Waan ka xumahay, Waan jeclaa inaan ka qeyb qaato kulanka adag ee Borrusia Dortmund” ayuu yiri Ribery oo la hadlayay website-ka gaarka ay u leedahay kooxdiisa Bayern Munich.
“Si Kastaba waxaan rumeysanahay in naadiga uu guuleysan doono la’aanteyda si wanaagsana u ciyaari doono”
Bayern ayaa sidoo kale weyn doonta Bastian Schweinsteiger, Claudio Pizarro, Xherdan Shaqiri iyo Holger Badstuber kuwaas oo aan ka qeyb qaadan doonin kulankaan.
Waxaa Aqrisay: (88)
Mogadishu - Somalia