Home » Horyaalada » La liga » Gerardo Martino: Messi Muhiim Ayuu U Yahay Kooxda Xitaa Hadii Uusan Gool Dhalin

Gerardo Martino: Messi Muhiim Ayuu U Yahay Kooxda Xitaa Hadii Uusan Gool Dhalin

Martino: I am not worried about MessiTata Martino oo ah macalinka Barcelona ayaa biyo qabow ku shubay warar hor leh oo sheegay in Messi uusan sameyn ku yeelan Barcelona kulanki El-Clasico isla markaana uusan aheyn hogaanka kooxda.

26-jirkaan ayaa ku fashilmay inuu qaab ciyaareed fiican muujiyo kulankii El-Clasico ee Real Madrid, balse si walba oo ay noqoto Martino aya shaaca ka qaaday in Messi uu yahay wiilka ugu muhiimsan kooxda.

“Kama walwali doono doono Messi, waana wax ay buun-buuniyeen dadka banaanka ka ah naadiga” ayuu Martino ku waramay.

“Hadii Messi uusan goal dhalin xitgaa wali waa u muhiim naadiga, hadii dadka qaar ay ku fakareen in messi uusan wax fiican sameyn, xaaladisa mar ayey bixi doontaa”

“Messi si wanaagsan ayuu ula dheelay Real Madrid, wuxuu awood u leeyahay inuu dheelo boosas badan, waana mida naadiga xoojisay”

Sidoo kale Tata Martino ayaa ka hadlay Athletico Madrid kuna sheegay naadiga kaliya ee ay ka cabsi qabaan iney tahay.

 

 
Waxaa Aqrisay: (100)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>