Kubad Smeeyaha Blues Eden Hazard ayaa xidiga ay isku kooxda iyo isku xulka yihiin ee Kevin De Bruyne ugu baaqay inuu isaga tago Chelsea hadii uu doonayo inuu Belgiumka boos ka helo marka la gaaro Koobka Aduunka ee Brazil ka dhici doona xagaaga soo aadan.
Belgiumka ayaa goor sii horeysay carbuuntay booskooda Koobka Aduunka waxaana xidigaan heeraka caalami ee The Blues ka tirsan ayyaa wiilka ay saaxiibka yihiin la hadlay kulakii ay guuldarada kala kulmeen Colombia.
Horay ayaa tababaraha xulka Belgiumka Mark Wilmots uu usoo jeediyay De Bryune inuu isaga tago Chelsea marka uu suuqa furmo isla markaana uu cadeeyo awoodiisa ka hor koobka Aduunka.
“Hadii aadan ciyaareynin waxaa kuu wanaagsan inaad isaga tagto naadiga” ayuu Hazard u sheegay Het Nieuwsblad. “Inaad Ciyaarto Koobka Aduunka adigoon hal sano kubad ciyaarin aad ayey u adag tahay”
Sidoo kale Hazard ayaan cabsi ka qabin in Belgiumka ay waji gabax kala kulmaan Koobka aduunka taasoo waxaana koob aduun oo ay ka qeyb galaan ugu dambeysay 2002.
Dhanka Kale ma jiro xidig ka tirsan Belgium oo aqoon u leh koobka aduunka ama soo ciyaaray.
“Ma jiro shaqsi ka mid ah Belgiumka oo qibrad u leh Koobka Aduunka ama kasoo ciyaaray daqiiqad ka mid ah dadkana waxey rajeynayaan inaan wax badan sameyn doono”
Waxaa Aqrisay: (163)
Mogadishu - Somalia