Maalin Wanaagsan Dhamaan Akhristayaasha Shabakadda Hiilkubad.com, Maanta Waa Isbuucii Labaad ee tartanka Horyaalka [Kulanka Dhalinyarada] & Shabakadda Hiilkubad.com.
Sida aan Horay u sheegnay Waxaan Maanta Oo Khamiis ah aan idiin soo gudbineynaa Su’aasha Todobaadka Oo Ka Koobnaan Doonta (B &T) Adinkoo Jawaabihiina Kusoo Diri Kara [[email protected]].
Su’aasha Maanta:
B = Real Madrid Sanadkii ugu dambeeyey oo ay qaaday Uefa Champions League, kooxda ay ka qaadan, Magaalada Lagu qabtay, iyo Natiijada Kulankaas?
T= Wadanka ugu badan ee ku guuleystay Koobka Qaramada Africa iyo inta jeer oo uu qaaday?
F.G: Fadan Adigoo Aad u Mahadsan Jawaabta aad bixineyso Haku soo qorin qeyba hoose ee Fikradaha, Hadii aad kusoo qortana Kuuma xisaabin doono.
Muhiim: Labada Qeybood ee Su’aasha Maanta Hadii Mid ka mid ah toos u garato, (2-dhibcood) ayaad heli doontaa hadii aad labadaba garato (4-dhibcood) ayaad heleysaa
Hadii Labada qeybood ee su’aasha ay ka kooban tahay mid ka mid ah aad qeyb ka jawaabto laguuma xisaabin doono Micnaha ayaana ah lama bixin doono dhibco dhan (1 ama 3) waa inaad qadato (2 ama 4)
Xeerka Jawaabaha:
2. Hadii aad dooneyso in dhibcahaagii xisaabta lagugu daro, Ha Badalin magaca markii hore laguu diiwan galiyay hadii aad badasho magacaga ogow dhibcihii aad horay u shaqeysatay xisaabta ma gali doonaan. Markasta Isticmaal Hal Magac.
3. Isku day inaad soo dirto Hal Jawaab oo kaliya, hadii dhowr jeer aad soo dirto jawaabo is diidan ama is khilaafaya, dhibco kuuma xisaabin doono.
4. Su’aasha oo aad qeyb ka mid ah garato ha u qaadan inaad dhibco ku heleyso, waxba laguuma xisaabin doono hadii aad garato qeyb ka mid ah jawaabta. F.G: Waa Inaad wada saxdaa jawaabta si aad u hesho 2-dhibcood hadii kale wax dhibic ah laguma siin doono.
Kadib Codsi Inooga Yimid AKhristayasheena Waxaan Badalnay Waqtiga Ay Ku Ekeed Jawaabta oo aheyd 12:00 Duhurnimo Xiliga Geeska Africa Maalinimada Berito Oo Jimca ah, Waxaana Ka Dhignay Iney Ku Egtahay 12:00 Duhurnimo Sabtiga Inagoo Akhristayashena Siin Doona Jaanis 48-Saacadood ah.
Waqtiga Jawaabta Lagaa Sugayo: 12ka duhurnimo maalinta Sabtiga Xiliga Geeska Africa (GSA).
Hadii Ay Jirto: Cabasho, Talo & Su’aal intaba waxaad lasoo xiririi kartaa [email protected], waxaana kuugu soo jawaabi doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan.
Jawaabta Saxda ah Ee Todobaadka & Kala Sareynta Akhristayaasha Barnaamijka Kulanka Dhalinyarada Ee Shabakadda Hiilkubad Waxaan soo gudbin doonaa Maalinimada Talaadada Ah Haduu Ilaah Ka Raali Noqdo.
Fadlan Cinwaanka Jawaabta Lagu Soo Dirayo Waa [email protected], Fadlan Si Wanaagsan isaga hubi hana u qadan in xaraf ka maqan yahay Waana Ku Talagal ([email protected]).
BALANTEENA: Waa Inoo Maalinta Talaadada Ah Oo Aan Baahin Doono Jawaabta Akhristayaasha & Kala Sareynta Barnaamijka Kulanka Dhalinyarada Ee Shabakadda Hiilkubad.com
Waxaa Aqrisay: (229)
Mogadishu - Somalia
kaka
November 21, 2013 at 2:54 PM
jawabta mesha lagusooqoraya fadlan soo cadeya si aan jwbaha aan haaya usoo gudbista waad mahadsantihiin bahdeyna
Abbas Ali Hassan
November 21, 2013 at 5:33 PM
Fadlan Akhristayaasha waa Inaysan Comment jawaabta ku bixin, haddii aad jawaab heyso fadlan ku dir [email protected]