Naadiga Liverpool ayaa garwaaqsatay in waayihii quruxda badnaa ee kabtan Steven Gerard ay dhamaad ku dhow yihiin sidaa darteed maamulka sare ee kooxdan iyo macalin Brenden Rodgers ayaa isla gaar waaqsadeen in suuqa Yurub laga baadi goobo xidigihii booska Gerard buuxin lahaayeen tani ma ahan in gabi ahaanba Gerard uu boos ka weyn doono kooxdan ku cayaarto garoonka Anfield balse waxaa macquul ah in daafaca gadaale uu ka hawl galo mustaqbalka dhow sidaa darteed Liverpool ayaa soo bandhigtay 5-xidig oo ay u aragto inay booska ruug cadaa Steven buuxin karaan ama soo dhaweyn karaan waxayna xidigahaas kala yihiin:
Granit Xhaka (B. Monchengladbach): waa 21-jir ka tirsan xulka Switzerland horeyna ugu cayaari jiray naadiga FC Basel.
Ivan Rakitic (Sevilla): waa xidig ka tirsan xulka Croatia lehna waayo aragnimo ku filan madaama uu horey ugu soo cayaaray kooxda Schalke 04.
Julian Draxler (Schalke): waa kubad sameeye dhalin yar waxaana ku raad joogan kooxaha Yurub ugu caansan sidaa darteed Liverpool ayaa u aragto inuu booska Gerard buuxin karo mustaqbalka dhow.
Alan Dzagoev (CSK Moskow): wuxuu ka tirsan xulka Russia iyo naadiga CSK Moskow waana kubad qaabeeya xariif ku ah dhalinta kubadaha laadka xorta ah.
Ignacio Camacho (Malaga): xulka Spain ee da’dooda ka hooseyso 21-sano ayuu xagaagii hore tartankii Yurub kula guuleestay waana xidig awood badan kuna wanagsan dhanka kubad raacista waa 23-jir siweyn La Ligaha looga yaqaan.
Waxaa Aqrisay: (372)
Mogadishu - Somalia