Ma ahan wax sahlan in daafaca aduunka ugu wanaagsan si sahal ah heshiis loola gaaro mana kusii jirto in Sergio Ramos uu haatan ka tirsan kooxda Real Madrid balse kooxda Man City oo awood dhaqaael ahaan loola bar bar dhigi karin ayaa sheegtay inay bisha Janaayo Ramos diirada saaran doonto si ay kooxdan kaga baxdo dhibaatada dhanka daafaca ah ka heesato.
Ramos oo horey ugu cayaari jiray naadiga Sevilla ayaa siweyn u saluugan mushaarka uu haatan Real Madrid ka qaato wuxuuna maamulka kooxdiisa ka dalbaday in lacagha looga koordhiyo base diidmo buuxdo ayuu gudoonka Madrid kala kulmay arintaas awgeed la yaab ma noqon doonto daafaca reer Spain inuu usoo shaqo tago Premiership-ka England marka la gaaro bisha Janaayo ama dhamaadka xili cayaareedkan.
Macalinka kooxda Man City Manuel Pelligrini oo aad u garanaayo tayada uu leeyahay Ramos ayaa milkiilaha City ka dalbaday in daafacan loo soo iibiyo waxayna Man City miiska u saari doontaa dhigeeda Madrid £32.5m oo u dhiganto €39m balse farqi weyn ayaa u dhaxeeyo labadan naadi waayo Real Madrid horey ayay u sheegtay in qandaraaska Ramos lagu jebin karo £41m oo u dhiganto €49m sidaa darteed aadbay u adkaan doontaa inuu wada hadal rasmi ah u furmo balse City ayaa adeegsan doonto Ramos kuna qal qaalin doonto inuu afka kala furto kuna cadaadiyo in Man City laga iibiyo waayo warar hoose ayaa sheegayo in kooxda reer England ay daafacan tayada wanaagsan u balan qaaday inay sanad walbo mushaar ahaan usiin doonto £9m!
Waxaa Aqrisay: (620)
Mogadishu - Somalia