Home » Horyaalada » La liga » Manchester City Oo Qiimeyneysa Xaalada Daafaca Real Madrid Sergio Ramos

Manchester City Oo Qiimeyneysa Xaalada Daafaca Real Madrid Sergio Ramos


Sergio-Ramos-Real-Madrid-2013-HD-Wallpaper-Doownload-for-Desktop

Kooxda Kubada Cagta Manchester City ayaa u dhaqaaqday qiimeynta xaalada daafaca xulka Spain iyo Kooxda Real Madrid Sergio Ramos kaas oo xili wanagsan ku heysa haatan garoonka Bernabeu ee Magaalada Caasimada Madrid.

Wararka ka imaanaya gudaha England ayaa qeexaya in xidigaan heerka caalami ay dooneyso Manchester City iney lasoo saxiixato xagaaga so aadan.

27-jirkaan heerka caalami ayaa heshiiska uu kula jiro Real Madrid wuxuu ku egyahay 2017-ka, waxeyna nadiga Etihad ku ciyaarta dooneysaa iney soo xero geliso xagaagan.

Sergio Ramos ayaa ah kabtanka labaad ee kooxa Madrid, wuxuuna kusoo xigaa goalhaye Iker Casillas.

Macalin Manuel Pellegerini ayaa doonaya inuu ku xoojiyo daaficiisa dambe xidigaan reer Spain, balse lama garan karo in Madrid ay iska iibin doonto xidigaan heerka caalami.

Ramos ayaa Madrid kaga soo biiray Sevilla 2005 waana wiilka ugu adag daafacyada Xulka Spain iyo Kooxda Real Madrid.

 
Waxaa Aqrisay: (1104)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Abdirashid Mohamud Nor "SHarDinHO"

Abdirashid Shardinho Waa mid ka mid ah wariyayaasha ciyaaraha ee Shabakadda Hiilkubad. Sidoo kalana ah Tifaftiraha Wargeyska Kaliya ee kasoo baxa Muqdisho kana faalooda Arimaha Ciyaaraha "Horyaal Sports"

More Posts - Website

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>