Home » Horyaalada » League 1 » Messi Oo Garoomada Ka Maqnaandoono Mudo ………

Messi Oo Garoomada Ka Maqnaandoono Mudo ………

Lionel-Messi3

xidiga weerarka uga cayaara kooxda barcelona messi ayaa lagusoowaramayaa in uu mudo garoomada ka maqnaandoono  Barcelona ayaa xaqiijisay in labo ilaa iyo seddex isbuuc uu Lionel Messi ka maqnaan doono garoomada ka dib dhaawac xalayto ka soo gaaray bowdada. Messi ayaa la bedelay daqiiqadii 29aad markii uu xanuun ka dareemay muruqa bowdada, inkastoo uu labo daqiiqo kale garoonka ku sii jiray waxaa ugu danbeyn bedelay Xavi isagoo ka hor dhaawiciisa hogaanka u dhiibay Barcelona. Baaritaano dheeri ah oo lagu sameeyay dhaawaciisa dhaqaatiirta Barcelona waxa ay sheegeen in Messi uu garoomada ka maqnaan doono ugu badnaan seddex isbuuc, islamarkaana dhaawaciisa uusan aheyn sidii laga cabsi qabay marke hore. Messi ayaa seegaya safarka ay kooxdiisa isbuucaan ku tageyso Celtic ee Champions League iyo kulanka ay u safrayaan Valladolid ee sabtida soo socota ee horyaalka La Liga. Waxa uu sidoo kale seegi doonaa kulamada xulkiisa Argentina ay la ciyaarayaan Peru iyo Uruguay ee Isreebreebka Koobka Adduunka inkastoo xilli hore ay xaqiijisteen booskooda World Cup. Waxaana la filayaa inuu soo laabto kulanka 19ka bisha October ay Barcelona wajihi doonto kooxda Osasuna

.


Waxaa Aqrisay: (341)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>