Home » Horyaalada » La liga » Mesut Ozil Oo U Jawaabay Gudoomiyaha Real Madrid Una Sheegay Inuusna Isaga Ahayn….

Mesut Ozil Oo U Jawaabay Gudoomiyaha Real Madrid Una Sheegay Inuusna Isaga Ahayn….

LIVE-Mesut-Ozil-Arsenal-2246029

Kubad sameeyaha xulka Jarmalka iyo kooxda Arsenal Mesut Ozil ayaa u jawaabat masuulka ugu sareeyo kooxda Real Madrid Florentino Perez madaama gudoomiye Perz uu dhaliilo farabadan usoo jeediyay Ozil tan iyo markii uu kooxda Arsenal ku biiray, xidigan dhalinta yar ayaa isna markiisa jawaab kulul bixiyay wuxuuna yiri

“hadii aad fiirisid wixii aan Real Madrid u qabtay waxaad dareemi kartaa 3-sano ee aan Bernabue ku sugnaa inaan waxba ka hagranin kooxda reer Spain balse waa nasiib daro markii aan soo baxay in la iiga abuuro waxyaabo aan jirin!” sidoo kale Ozil ayaa u mahad celiyay taageerayaasha Real Madrid wuxuuna sheegay in gudoomiye Perez uu meel kaga dhacay sharafkiisa.

24-jirkan ayaa dhanka kale amaan balaaran usoo jeediyay macalinkiisa Arsene Wenger wuxuuna ku tilmaamay macalin aad u wanaagsan “waxaan arkaa in Wenger uu yahay macalin aad u wanaagsan iguna hagi karo wada aan hormar sare ku gaari karo waxaana rajeynaa inuu waxbadan igu kordhin doono madaama uu yahay shaqsi xidigaha aduunka tayadooda dhiso sidoo kalena dhisi jiray” ugu dambeyntii Ozil ayaa ka dhawaajiyay inuu si wanaagsan ula qabsaday nolosha magaalada London iyo kubada laga cayaaro Premiership-ka diyaarna u yahay inuu hormar ku tilaabsado madaama uu kalsooni buuxdo ka heesto taageerayaasha Arsenal.


Waxaa Aqrisay: (343)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>