Home » Maxaa Cusub » Pepe: Cristiano Ronaldo Marwalbo Cadaalad Daro Ayaa Lagu Sameeyaa Marka Ay Timaado Ballon D’Oro

Pepe: Cristiano Ronaldo Marwalbo Cadaalad Daro Ayaa Lagu Sameeyaa Marka Ay Timaado Ballon D’Oro

Real Madrid CF v Juventus - UEFA Champions League

Daafaca xulka Portugal iyo naadiga Real Madrid Pepe ayaa saxaafada la hadlay wuxuuna ka dhawaajiyay daafacan waaya araga ah in saaxiibkiis Cristiano Ronaldo aan loo cadaalad falin marka ay timaado ku guuleysiga abaal marinta FIFA Ballon d’Or wuxuuna Pepe aaminsan yahay in sanado badan Ronaldo laga eexday sidoo kalena uu sanadkan ka cabsi qano asigoo aad u wanaagsan uu abaal marintan qaaliga ah wuxuuna yiri “waxaa lagu tilmaami karaa cadaalad daro muuqato marka la fiiriyo sida Ronaldo looga eexdo abaal marinta FIFA Ballon d’Or bal fiiri waa cayaaryahan 7-sano ee ugu dambeesay oo bandhigaayay qaab cayaareed aad u wanaagsan hadana hal mar ayuu abaal marintan ku guuleestay sidaa darteed siweyn ayaan u saluugsanahay sida wax loo maamulo”

Dhanka kale Pepe ayaa la weydiiyay cayaaryahanka wanaagsan marka ay timaado Cristiano Ronaldo iyo Zlatan Ibrahimovic oo jimcada kala hogaamin doonaan xulalka Portugal iyo Sweden wuxuuna Pepe arinkan ka yiri “aniga diyaar uma ihi inaan labadan shaqsi is garab dhigo ama aan dhaho mid ayaa wanaagan balse waxaan oran lahaa ma jiro shaqsi Ronaldo lala bar bar dhigi karo waayo waxa uu sameenayo cayaaryahan sameyn karo ma arki sidoo kale Zlatan waa xidig aad u wanaagsan lehna awood iyo waaya aragnimo uu halis nagu galin karo balse waan u diyaar garoownay sidaa aan weeraryahankan awooda badan qatartiisa u yareen laheen”

 

 

 

 


Waxaa Aqrisay: (259)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>