Home » Horyaalada » La liga » Real Madrid Oo Ku Durdurisay Real Sociedad Xili Cristiano Ronaldo Uu Sadexley Saxiixay

Real Madrid Oo Ku Durdurisay Real Sociedad Xili Cristiano Ronaldo Uu Sadexley Saxiixay

Different level: Cristiano Ronaldo scored a hat-trick as Real Madrid comfortable saw off Real Sociedad

Cristiano Ronaldo ayaa noqday wiil aan shabaqa laga celin karin xili ciyaaredkaan markii uu dhaliyay sadexley kulankii ay Real Sociedad ku sooren gurigooda Bernabue.

Ronaldo ayaa bilaabay bandhiga Madrid markii uu goal saxixay daqiiqadii 12-aad ee bilowga qeybta hore ciyaarta kaas oo ka dhigan inuu xidigaan dhaliyay goalkiisii 14-aad ee horyaalka la Liga xili ciyaareedkaan.

Celebration: Gareth Bale congratulates the No 7, though he perhaps should have got on the scoresheet himself

Wiilka reer France Karim Benzema ayaa dhaliyay goalka labaad ee Madrid daqiiqadii 18-aad ee qeybta hore inkatoo Rigoore loo dhigay isla qeybtii hore ciyaarta uu goal u badalay Ronaldo 26-daqiiqo ciyaarta oo socota.

Kubad Sameeyaha reer jarmal Sami Khedira ayaa afar ka dhigay goolasha Madrid markii uu daqiiqadii 36-aad shabaqa dhexdhigay goal loo baahnaa.

Celebration: Gareth Bale congratulates the No 7, though he perhaps should have got on the scoresheet himself

Real Sociedad ayaa heshay goalka calanka Antoine Griezmann ayaana u saxiixay daqiiqadii 61-aad ee qeybtii dambe.

Qeybtii hore ayaa lagu kala nastay 4-0 oo ay Madrid ku hogaamineyso waxaase goalka jooga ka riday Real Sociedad dhaliyay Ronaldo oo Sadexley dhameystiray daqiiqadii 76-aad ee ciyaarta.

Natiijadaan ayaa ka dhigeysa in CR7 uu goaldhalinta Horyaalka La Liga ku haayo 16-goal, halka Madrid ay iyana kusoo dhawaatay kooxaha Barcelona iyo Athletico Madrid iyadoo 2-dhibic ka hooseysa A. Madrid Halka Barcelona ay ka hooseyso 3-dhibcood.

Barcelona ayaa la ciyaari doonta Rea Betis halka A. Madrid ay tijaabo adag la gali doonto Villarreal.


Waxaa Aqrisay: (181)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>