Kubad Sameeyaha Kooxda Kubada Cagta Bayern Munich iyo Xulka Jarmalka Bastian Schweinsteiger iyo Xidiga garabka ka ciyaara ee Mario Gotze ayaa dib loogu yeeray xulka Jarmalka kulamada isreeb-reebka koobka aduunka ee wadamada qaarada yurub, inkastoo ay seegeen kulamadii Xulkooda uu la yeeshay Austria iyo Faroe Island.
Dhanka Kale Weeraryahanka Bayern Leverkusen Stefan Kiessling ayaa laga reebay xulka Wajahaya Republic of Ireland iyo Sweden.
Miroslav Klose iyo Mario Gomes ayaa dhaawac ku seegi doona balse Max Kruse oo ka tirsan naadiga Borussia Monchengladbach ayaase noqon doona weeraryahanka kaliya ee xulka jarmalka ay wataan.
Marcell Jansen oo ka tirsan Hamburg ayaa badali doona daafaca bidix ee kooxda Borrusia Dortmund Marcel Schmelzer kaas oo dhaawac ku maqan.
Guul ay gaaraan Kulanka Republic of Ireland kulankaas oo dhici doona 11-ka october ayaa Germany u hogaamin doonta iney boos ka helaan koobka aduunka ee June 2014-ka lagu qaban doono Brazil.
Liiska Xulka Germany:
Goalhaye: Rene Adler (Hamburg), Manuel Neuer (Bayern Munich), Ron-Robert Zieler (Hannover).
Daafaca: Jerome Boateng (Bayern Munich), Benedikt Howedes (Schalke), Mats Hummels (Borussia Dortmund), Marcell Jansen (Hamburg), Philipp Lahm (Bayern Munich), Per Mertesacker (Arsenal)
Khadka Dhexe: Lars Bender (Bayer Leverkusen), Sven Bender (Borussia Dortmund), Julian Draxler (Schalke), Mario Gotze (Bayern Munich), Sami Khedira (Real Madrid), Toni Kroos (Bayern Munich), Thomas Muller (Bayern Munich), Mesut Ozil (Arsenal), Marco Reus, Borussia Dortmund), Sidney Sam (Bayer Leverkusen), Andre Schurrle (Chelsea), Bastian Schweinsteiger (Bayern Munich).
Weerarka: Max Kruse (Borussia Monchengladbach)
Waxaa Aqrisay: (109)
Mogadishu - Somalia