Tababaraha reer Argentina ee leyliya kooxda Southampton Mauricio Pochettino ayaa shaaca ka qaaday in kooxdiisa ay diyaar u tahay iney meel iska saarto kooxda Arsenal kulanka ay wada yeelan doonaan maalinimada sabtiga ah.
Kooxdaan ayaa haatan fadhisa kaalinta Sadexaad ee horyaalka Premier League waxeyna doonayaan iney taako u dhigaan Gunners.
Mauricio Pochettino ayaa sidoo kale sheegay in kooxda Arsenal ay sanadkaan soo afjari karto koob la’aanta heysata kooxda madama ay ku socdaan dardar culus.
Si kastaba Macalinkii hore Kooxda Espanyol ayaa rajeynaya inuu guul kusoo gaaro London marka ay u safraan sabtiga.
Gunners ayaa guuldaro ka heshay Man United kulankiiu ugu dambeeyay horyaalka, walow ay wali hogaamineyso horyaalka Premier League iyadoo laba dhibcood ka sareysa kooxda Liverpool.
“Waxaan dhihi karaa in kooxda an sabtiga ka horjeedno ay tahay naadiga ugu kubada qurxoon horyaalka”
“Waxaan sii wadi doonaa dadaalkeena aan ku afjari karno awood walba oo naga hortimaada” ayuu yiri Mauricio Pochettino oo waramayay saxaafada.
Ugu dambeyntii Mauricio Pochettino ayaa ka hadlay dadaalka wiilashiisa Lallana, Rodriguez & Lambert ay ka wadaan xulka England madama sadexdaas wiil loo xushay xulka England.
Waxaa Aqrisay: (215)
Mogadishu - Somalia