Home » Horyaalada » La liga » Tata Martino: Barcelonadii Macalin Pep Guardiola Ayaa Aheyd Midii Ugu Wanaagsaned Ebid

Tata Martino: Barcelonadii Macalin Pep Guardiola Ayaa Aheyd Midii Ugu Wanaagsaned Ebid

fc-barcelona-players-and-staff-members-toss-their-head-coach-pep-guardiola-as-they-celebrate-their-victory-against-santos-fc-during-the-awarding-ceremony-after-the-final-football-match-in-the-club-wor

Macalinka cusub ee kooxda Barcelona Tata Martino ayaa u codeeyay macalinkii hore Barcelona Pep Guardiola inuu ahaa macalinkii ugu wanaagsanaa ee ebid soo maray kooxda Barcelona.

Iyadoo la ogyahay in Pep Guardiola uu ahaa macalin afar sano u qaaday naadiga Barca 14-koob oo heer caalami ah ayaa hadana Tata Martino wuxuu ku amaanay waxqabadkiisa xiligaas isagoo sheegay kooxdii Barcelona ee xiligaas jirtay iney aheyd kooxdii ugu fiicneyd ebid soo xirata maaliyada Bulgarana.

“Waan la mid noqon karnaa dhawaan hadii aan dadaalno, mana noo haboona inaan mar walba isbarbar dhigno Barcelonadii uu mamulayay Pep Guardiola” ayuu Tata Martino ku hadaaqay.

“Waan ogahay in Kooxdii Barcelona ee laba sano ka hor ay aheyd kooxda ugu wanaagsan dunida”

“Si walba  ma jirto koox ka wanaagsaneed kooxdaas oo soo martay barcelona taariikhda kubada cagta”

Ugu dambeyntii Barcelona ayaa ah kooxda hogaamineysa horyaalka La Liga iyadoo leh 31-dhibcood 11-kulan oo ay ciyaareen, sidoo kalana 7-dhibcood ayey ku hogaaminayaan groupka H ee Champions League.


Waxaa Aqrisay: (165)

Xafiiska Wararka Hiilkubad

Mogadishu - Somalia

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>