Habeenka Isniinta ah waxaa la filayaa in kooxda Arsenal ay garoonkeeda ku martigeliso kooxda Chelsea, iyadoo la filayo inay halkaas ka dhacdo cayaar aad loo wada sugayo oo saameyn weyn ku yeelan doonta cidda hoggaanka u qabaneysa horyaalka Ingiriiska.
Iyadoo ay sidaas tahay ayaa misana marka taariikhda dib loo baaro waxaa soo baxaysa in Wenger aysan marnaba u suurtogelin inuu ka adkaado kooxda uu wato Mourinho 9 jeer oo ay kulmeen labada kooxood, tartamo kala duwan oo isugu jira horyaalka Ingiriiska, Capital One, Carling Cup, iyo Community Shield.
Halkan ayaan idinkugu soo gudbineynaa sagalkii kulan ee dhex maray labada oday, waxaana muuqata in 5 mar uu badiyay Mourinho, halka 4 kalena ay barbardhac galeen. Baaritaan uu sameeyay Goal.com ayaa lagu sheegay in Mourinho mar kastaba ka koox wanaagsanaa Wenger, iyadoo sababaha ay qeyb ka ahayd maalgelinta xooggan ee mar kastaba kooxda Chelsea lagu sameyn jiray.
Dec 12 2004: Premier League
Arsenal 2 Chelsea 2
Apr 20 2005: Premier League
Chelsea 0 Arsenal 0
Aug 7 2005: Community Shield
Chelsea 2 Arsenal 1
Aug 21 2005: Premier League
Chelsea 1 Arsenal 0
Dec 18 2005: Premier League
Arsenal 0 Chelsea 2
Dec 12 2006: Premier League
Chelsea 1 Arsenal 1
Feb 25 2007: League Cup Final
Chelsea 2 Arsenal 1
May 6 2007: Premier League
Arsenal 1 Chelsea 1
Oct 29 2013: League Cup
Arsenal 0 Chelsea 2
Hadaba Akhriste Ma Isleedahay Arsene Wenger Kulanka Isniinta wuu ka bixi doonaa abaarta ka heysata inuu ka badiyo Mourino?
Waxaa Aqrisay: (380)
Mogadishu - Somalia
man boy
December 22, 2013 at 2:19 AM
Arsenal iyo Chelsea waxan u rajeyhaye baraajo in kale qebsadan dhib caha viva man u