Halyeegii hore ee xulka England iyo kooxda Man United Paul Scholes ayaa ka hadlay hadal heynta ku aadan in Wayne Rooney uu kulankiisii 100-aad xulka England u safan doono.
Scholes ayaa qiray in Rooney uu yahay laaciib miisaan culus ku leh xulka England balse ruug cadaagan hal dhaliil ayuu haatan u hayaa kabtanka xulka England.
“Wayne waa xidig cajiib ah sidoo kalena mudo dheer xulka England ka tirsan mana sahlano in 100-kulan oo heer qaran ah aad cayaartid”
“Balse waqti ku filan ma heesto Rooney waayo hadii uu doonayo inuu noqdo halyee England sharaf ku dhex leh waa inuu xulkiisa tartan caalami ah u qaado!”
“Shaqi ahaan Wayne kubada cagta heer sare ayuu ka gaaray sidoo kalena heer naadi Man United wax walbo ayuu la qaaday balse midaas kama dhigi doonto inuu yahay geesiga xulka England hadii uusan koob xulkiisa la qaadin”
Rooney haatan waa 29-jir wuxuuna qarka u saaran yahay inuu noqdo laacibka xulka England ugu goolasha badan madaama uu u baahan yahay 7-gool si uu iskoorka Sir Bobby Charlton u jebiyo oo haatan xulka England dhanka goolasha ku horkacaayo 49-gool halka Rooney uu isagana dhaliyay 43-gool.