Home » Horyaalada » Bundesliga » Aguero & Jovetic Oo Taam U Ah Inay Caawo Ka Hortagaan Kooxda Bayern Munich

Aguero & Jovetic Oo Taam U Ah Inay Caawo Ka Hortagaan Kooxda Bayern Munich


promo241122541

Aguero & Jovetic labadan xidig waxay seegeen tababarkii ugu dambeeyay ee kooxda Man City sameesay waxayna qabaan jug kala duwan.

Balse aqbaar wanaagsan ayaa kasoo yeertay qolka lagu dabiibo xidigaha Man City madaama dhaawaca laga qaaday in Aguero & Jovetic ay safan karaan kulanka adag ee caawo Man City garoonka Etihad ku qaabili doonto kooxda Bayern Munich.

City ayaa kulankan guul u baahan si ay baaqi ugu sii ahaato koobka horyaalada Yurub sidaa darteed caafimaad qabka Aguero & Jovetic waxaa aad ugu farxay macalin Pelligrini oo niyada ku haayo in kulanka caawo uu saameyn ku yeelan karo shaqada uu haatan Man City ka haayo.

Madaama Edin Dzeko uu dhaawac kaga maqnaan doono Man City muhiim ayay u tahay tababare Pelligrini in Aguero iyo Jovetic ay kulankan adag saftaan.

Sidoo kalena weeraryahanka dhalinta ose Angel Pozo aya caawo fursad heli doono inuu kursiga keydka Man City soo fariisto madaama kooxdan ay xidigo badan dhaawac ka yihiin waxaaba macquul ain Pozo uu caawo markii ugu horeesay koobka horyaalada Yurub kasoo muuqdo 20-jirkan dhalinta yar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>