Sidii la filaayay kubad sameeye Andres Iniesta ayaa lagu waday inuu garoomada kusoo laabto sidoo kalena kooxdiisa Barcelona u safto kulanka ay caawo la cayaari doonto naadiga APOEL Nicosia kulan ka tirsan koobka horyaalada Yurub.
Balse ruug cadaagan dhaawaca uu muruqa hoose ka qabo iyo seedka ayaa u diiday inuu garoomada markale kusoo laabto inkastoo maal mihii ugu dambeesay lagu arkay tababarka Barcelona.
Macalin Luis Enrique ayaa niyada u dhisay taageerayaasha Barcelona wuxuuna ka dhawaajiyay in Iniesta ay xaaladiisa wanaagsan tahay balse looga reebay kulanka APOEL Nicosia si looga taxadiro muruqiisa.
Sidoo kalena Thomas Vermaelen isagana Barcelona caawo uma cayaari doono daafaca reer Belgium xaalkiisa ma fadhiyo tan iyo markii uu xagaagan Barcelona kusoo biiray weli ma uusan noqon xidig joogto kooxdan ugu cayaaro waxaana ka hari la’ dhaawacyo joogto ah.
Macali Enrique ayaa ula safray dalka Qubrus 22-cayaaryahan wuxuuna doonayaa inay Barcelona kulan guuleesato si ay kooxdan kaalinta 1-aad qaybteeda uga soo baxdo.