Arsene Wenger ayaan dooneynin inuu u shalaayo saxiixa xidigaan sidii uu ugu shalaayay Cristiano Ronaldo, wuxuuna markaan doonayaa inuu soo xerogaliyo da’yarkaan ka tirsan kooxda Benfica Goncalo Guedes.
Guedes waa 17-jir, wuxuuna ku jiraa qaabkiisii ugu wacnaa isagoo ka mid ah kooxda yar yar ee Benfica iyo Xulka Portugal iyadoo kooxda Benfica ay haatan isku dayeyso iney ka saxiixdo heshiis shan sano ah taasoo qiimahiisa ka dhigi karta 40 Malyan Oo Pound sida ay ku warantay Daily Mail.
Qiimahaas ayaa dhaafin kara Arsenal saxiixa xidigaan, balse Arsene Wenger ayaan dooneynin inuu mar kale u shalaayo xidig muhiim ah isla markaana aysan cadawgiisa ka faa’ideysan madama uu mar walba gocdo sababtii uu isaga dhaafay saxiixa Cristiano Ronaldo isagoo kaga dhawaa Manchester United.
Guedes haatan waxaa loogu yeeraa “CR7-ka Cusub” waana wiil kubada u ciyaara sidii uu Ronaldo u ciyaari jiray waqtigiisii Sporting Lisbon ka hor waayahiisa Manchester United.