Home » Maxaa Cusub » Arsenal Oo Ku Dhawaaneysa Saxiixa Daafaca Kooxda FC Basel Fabian Schar

Arsenal Oo Ku Dhawaaneysa Saxiixa Daafaca Kooxda FC Basel Fabian Schar


Fabian Schar

 

Arsenal ayaa ku warantay iney ku dhawdahay saxiixa daafaca kooxda Basel Fabian Schar iyadoo kula saxiixaneysa 9.5 Malyan Oo Pound marka uu suuqa kala iibsiga ciyaartoyda dib u furmo.

Kooxda Arsenal ayaa mudo ku raad joogtay daafacaan reer Switzerland waxaana sanadahii ugu dambeeyay uu ahaa bartilmaameedka macalin Arsene Wenger.

Wararka ka imaanaya Ingiriiska ayaa sheegaya in Arsenal ay ku dhawdahay saxiixa xidigaan heerka caalami waxeyna bisha January kusoo xerogalineysaa 9.5 Malyan, kadib markii daafac xumo ay lasoo daristay kooxda ka dhisan waqooyiga London.

22-jirkaan daafaca u maamula Arsenal sidoo kale waxaa lala xiriirinayaa kooxaha Chelsea iyo Juventus iyadoo aysan meesha ka marneyn kooxda Tottenham Hotspur.

In Wenger uu helo daafacaan heerka caalami waxey ka saacidi doontaa inuu adkaado daafaca kooxda, isla markaana uu daboolo boosaska banaan ee kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>