Home » Europe » Champions League » Atletico Madrid, Chelsea & Kooxaha Isbuucaan Usoo Gudbi Kara Wareega 16-ka Champions League

Atletico Madrid, Chelsea & Kooxaha Isbuucaan Usoo Gudbi Kara Wareega 16-ka Champions League


Chelsea

Lix Kooxood ayaa horay u carbuuntay booskooda 16-ka ee Champions League ka hor kulamada shanaad, balse 10-kooxood ayaa laga doonayaa iney soo baxaan labada isbuuc ee haray.

Real Madrid, Dortmund, Bayern Munich, Paris Saint Germain, Barcelona Iyo Porto ayaa goor hore la ogaaday iney usoo baxeen wareega 16-ka tartanka Champions League.

Atletico Madrid:

kooxdii xili ciyaareedkii lasoo dhaaftay tiigsatay finalka tartanka ayaa u baahan kaliya iney guul gaarto hadii ay dooneyso iney ka mid noqoto 16-ka kooxood ee soo gudbay marka ay wajahdo Olympiakos, sidoo kalana barbardhac wuu ku filnaan karaa hadii Juventus ay qasaaro kala kulanto Malmo.

FC Basel:

Kooxda reer Switzerland ayaa soo gudbi karta hadii ay guul ka gaarto Real Madrid, mana ku xirnaan doonto natiijo walba oo ka dhalata kulanka Liverpool iyo Ludogerets.

Bayern Leverkusen:

Kaliya hal dhibic ayey kaga baahan tahay iney ka hesho Monaco, walow guul ay gaarto ay ka saacidi karto iney kusoo baxdo kaalinta ugu sareysa group C, balse hadii ay guuldaro la kulanto wali wey usoo bixi kartaa wareega 16-ka waana marka ay barbaro ku kala baxaan kooxaha Zenit iyo Monaco.

Arsenal:

Arsenal kaliya waxey u baahan tahay hal dhibic si ay ugu soo baxdo wareega 16-ka Champions League, sidoo kalana hadii ay guuldaro la kulanto wey soo bixi kartaa waana marka kulanka u dhaxeeya Anderletch iyo Galatasaray uu kusoo dhamaado barbardhac.

As Roma:

Wiilasha Rudi Garcia ayaa fursad u heli doona iney usoo gudbaan wareega 16-ka Champions League hadii ay guul ka gaaraan CSKA Moscow, sidoo kalana Manchester City ay ku fashilanto iney guul ka keento Bayern Munich.

Chelsea:

Chelsea waxey u safri doontaa Schalke iyadoo wajahi doonta macalinkeedii hore Roberto Di Matteo, guul ay gaarto ayaa kaga filan iney usoo baxdo wareega 16-ka, sidoo kalana barbardhac wuu kaga filnaan karaa soo gudubto hadii kooxda kaalinta sadexaad ku jirta ee Sporting Lisbon ay ku fashilanto iney garaacdo Maribor.

Shakhtar Donetsk:

Kooxda reer Ukraine waxey kaliya u baahan tahay iney barbaro ka hesho Atletico Bilbao, xitaa hadii ay guuldaro la kulanto wey soo gudbi kartaa waase marka ay BATE Borisov guuldaro la kulanto ama ay barbaro gasho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>