Barcelona ayaa Paris Saint Germain kula biirtay usoo bixitaanka wareega 16-ka ee Champions League kadib markii ay guul qurux badan ka gaareen kooxda Ajax Amsterdam ee dalka Holland iyagoo marti ah.
Kulankaan wuxuu muhiimad gooni ah u xambaarsana Lionel Messi oo isha ku hayay inuu jabiyo rikoorka gooldhalinta Champions League ee uu heystay Raul Gonzales Blanco kaas oo dhaliyay 71-gool, inkastoo Messi kulankaan ka hor uu lahaa 69-gool, labada gool oo ay ku badiyeen Barcelona ayuu saxiixay taasoo la sintay inuu Raul Gonzales.
Messi ayaa madax ku dhaliyey goolka hore ee Barcelona daqiiqadii 36aad ee qeybtii hore ka dib markii uu karoos u keenay Bartra iyadoo goolhaye Jasper Cillessen uu shabaqiisa cidleeyey.
Xiddiga reer Argentine ayaana goolkiisa labaad ansixiyey daqiiqadii 76aad ee qeybtii labaad ka dib markii uu shabaqa ku hubsaday karoos uu keenay Pedro si uu u barbareeyo rikoorka gooldhalinta Koobka Kooxaha Yurub ee halyeeyga Real Madrid.
Kulankaan ayaa waxaa sidoo kale ciyaaraha Champions League kusoo laabtay xiddigii horeee Ajax Luis Suarez.
Laakiin wuxuu ku guul darreystay inuu shabaqa kasoo taabto kooxdiisii hore. Ajax ayaana ciyaarta ku dhammeysatay 10 ciyaaryahan. Natiijadaan ayaa la micno ah inay Ajax ka hartay tartanka ka dib markii ay PSG guul 1-0 ah ka gaartay APOEL ciyaartii kale ee Group F.
Kooxdareer France ayaahaatan group-ka ku hogaamineysa 10 dhibcoodwaxaynahaldhibic ka sarreysaa Barcelona, labadaankooxoodayaanaiskaxaadiriyeywareega16katartankaaniyadoo ay labakulan ka dhimantahaywareegakoowaad ee tartanka.