Inkastoo Dani Alves iyo wakiilkiisa ay raajicanayeen in heshiis cusub ay ka heli doonaan kooxda Barcelona hadana maamulka sare ee kooxdan ayaa ku wargaliyeen daafacan waaya araga ah inuu fasaxan yahay.
Alves heshiiska uu Camp Nou ku joogo waxaa ka harsan wax ka yar 7-bilood sidoo kalena dhamaadka xili cayaareedkan fasax ayuu u yahay kooxdii uu doono inuu ku biiro waxaana lagu wargeliyay in waayihiisii Camp Nou soo idlaadeen.
Alves ayaa haatan ku qasbanaan doono inuu dhageesto dalabyada kaga imaanayo kooxaha Man United iyo Juventus oo xidigan diyaar ula ah boos joogto ah inkastoo aysan labadan naadi u balan qaadi karin mushaar aad u sareeyo.
Waayo Alves haatan Barcelona wuxuu sanadkii ka qaataa 9-milyan oo euro ah madaama da’diisa horey usii badatay lama filaayo inuu mushaaraadkaas ka heli doono meel kale waxayna isaga iyo wakiilkiisa ka wada tashan doonaan halka ku haboon inuu mustaqbalkiisa cayaareed kasii wato marba hadii albaaba Camp Nou laga xirtay.