Home » Horyaalada » Bundesliga » “Blatter Taleefon Ayaan U Diray Waxaan U Sheegay Inuu Is Casilo” Sidaas Waxaa Yiri Reinhard Rauball

“Blatter Taleefon Ayaan U Diray Waxaan U Sheegay Inuu Is Casilo” Sidaas Waxaa Yiri Reinhard Rauball


DFB

Madaxweynaha horyaaalka kubada cagta Jarmalka Mr. Reinhard Rauball ayaa si caro ku dheehan uga hadlay fadeexada dhawaan soo ifbaxday oo ku aadan sida ay FIFA u maamushay go’aamadii dalalka Russia iyo Qatar lagu siiyay marti galinta koobka aduunka 2018 iyo 2022.

Wuxuuna masuulkan ka dhawaajiyay in masuuliyada kowaad ee fadeexada ku habsatay kubada cagta uu leeyahay Sepp Blatter oo ah madaxweynaha FIFA.

Wuxuuna Reinhard Rauball yiri “Inkastoo dadka qaar ay saxaafada ka dhaliileen Blatter hadana aniga si toos ah ayaan Taleefon kala hadlay waxaana u sheegay inuu is casilo!”

Reinhard Rauball oo sidoo kale ah madaxweynaha kooxda Dortmund ayaa ka xun in kubada cagta sumcadeeda lagu cayaaray.

“Waxaan joognaa heerkii ugu liitay waxaana u baahanahay isbadal deg deg ah hadii kale sumcada FIFA wey lumi doonaa waxaana ku dhici doonto taageero la’aan”

Sidoo kale masuulkan wuxuu ku booriyay gudoomiyaha xiriirka kubada cagta Jarmalka Wolfgang Niersbach inuu ka qayb galo una istaago sidii uu ku badali lahaa Blatter.

“Wolfgang Niersbach wuu u qalmaa hogaaminta FIFA sidaa darteed gudoonka horyaalka Jarmalka iyo xubnaha xiriirka kubada cagta Jarmalka si weyn ayay u garab istaagi doonaan inuu Niersbach isku sharaxo kursiga FIFA”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>