Kubad sameeyaha kooxda Borrusia Dortmund Ilky Gundagon ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay ka hor istaagtay fursad uu ugu biiri karay Real Madrid taas oo dalab soo gaarsiisay kooxdiisa.
Xidigaan reer Jarmal ayaa noqday mid ka mid ah xidigaha loogu doonista badanaa 2012-2013, kadib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed qurux badan xiligaasna kooxdisa ayuu ka saaciday iney gaarto finalka Champions League.
Inkastoo ay gadaal u dhigeen sumcadiisa iyo bandhigiisa dhaawacyo is daba joog oo hareeyay, hadana wuxuu ku guul dareestay inuu xulkiisa u matalo koobkii Aduunka 2014.
24-jirkaan heerka caalami waxaa dalab rasmi ah usoo diray kooxda Real Madrid, balse sida uu qabo waxaa dalabkaas diiday kooxdiisa Dortmund walow isagu uu jeclaa inuu u dhaqaaqo Spain.
“Real Madrid ayaa dalab iisoo dirtay, balse kooxdeyda ma aysan aqbalin, taasna waxaa sababteeda lahaa heshiiskeyga oo ka badan laba sano iyo bar” Ayuu yiri Gundagon.
Dhanka kale Gundagon wuxuu rajeynayaa inuusan waayin tartanka Euro 2016 ee France lagu qaban doono inkastoo xulkiisa looga baahan yahay inuu usoo baxo tartanka.