Home » Africa » Ciyaartii Rabshada Ku Dhamaatay Ee Banaadir Sports Club Iyo Jeenyo Oo Go’aamo Adag Laga Soo Saaray

Ciyaartii Rabshada Ku Dhamaatay Ee Banaadir Sports Club Iyo Jeenyo Oo Go’aamo Adag Laga Soo Saaray


DSC_0373

Guddiga Dihsibiliinka  Xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta ayaa ganaax dul-dhigay Naadiga Banaadir S.Club oo ka cayaarta horyaalka Nationlink Championship ee dalka Soomaaliya kaddib markii ay ku kacen Taagerayaasha kooxda B.S.C falal ka dhan ah xeerarka kubada cagta dalka iyo Kan caalamiga ah intaba.

 Sidoo kale waxa digniin adag loo soo jeydiyay maamulka Naadiga Banaadir S.Club in ay taageerayaashooda ku wacyi geliyaan kana joojiyaan garoon dhagax tuurka ay  caadeysteen taasoo ka mamnuuc ah Xeerarka Kubadda Cagta.

 Go’aankan adag ayaa lagu qaatay shir muddo saacado ah socday oo maanta uu yeeshay guddiga fulinta xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta, kaddib markii uu dhageystay guddiga fulintu warbixintii guddiga tartamada iyo warbixin uu isna soo gudbiyay xeer ilaaliyihiin cayaar dhex martay naadiyada Banaadir S.Club iyo Jeenyo United  2dii bishii aynu soo dhaafnay cayaartaas oo tirsigeeduna ahaa number 37 kana dhacday garoonka Banaadir ee Muqdisho.

 Haddaba, Shir ay yeesheen Guddiga Fullinta Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta  qiimeyna ku sameeyeen ciyaarta kor ku xusan.

 Markuu Qiimeyn ku sammeeyey Ciyaarihii ay ciyaari jireen Naadiga B.S.C. iyo hab dhaqanka Taageerayaasha kooxda

  • Sidoo kale, in Maamulka Naadiga BSC horay loo siiyey digniino in ay taageerayaashooda muujiyaan deganaasho muddada ay ciyaarta socoto, taasoo aysan waxba ka bedelin hab dhaqankii
  • Markuu Qiimeyn ku sameeyey Ciyaarta kor ku xusan, muddadii u dhexeysay daqiiqada 1aad ilaa daqiiqada 81aad, taasoo ciyaaryahannada ay muujiyeen ciyaar wanaag 2da kooxood.jawiga Garoonka iyo Taageerayaasha uu aad u degna.
  • Sidoo kale, wuxuu Xiriirka cadeeyey wixii ka danbeeyey daqiiqada 81aad in taageerayaasha BSC ay ku bilaabeen tuuryo Garsoorka, Garoonka iyo dadweynaha isla markaana ay wadeen ilaa daqiiqadii 85aad oo sababtay in ciyaarta loo hakiyo sidoo kale dhagax tuurkaas uu sababay in dhimasho garoonka ka dhacdo
  • Markuu Arkay, dhacdooyinkii ka dhacay Garoonka
  • Markuu Tixgeliyey, qodobka 15aad ee Xeerka Tartanka

Wuxuu go’aansaday:

  1. a. In Dhibcaha ciyaarta la siiyey Naadiga Jeenyo United
  2. In Ciyaarta ay ku dhamaatay 3 – 0
  3. waxaa guddiga fullinta ay digniin adag ujeedinayaan maamulka BSC

        inay wacyi galiyaan talaabo adag ka qadaan taageerayaashooda kana

        joojiyaan garoon dhagax tuurka ay caadeynteen taasoo ka mamnuuc ah k/cagta

– Mahadsanidiin –

Waxaa wareegtadan ku saxiixnaa xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Mudane Xasan Maxamed Maxamuud (xasan fareey).

CCCCC KKK

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>