Home » Horyaalada » Bundesliga » Daafaca Bayern Munich Jerome Boateng Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)

Daafaca Bayern Munich Jerome Boateng Iyo Noloshiisa Gaarka Ah Maxaa Kala Socotaa (+Sawiro)


J

Jerome Boateng wuxuu ka mid yahay daafacyada ugu wanaagsan qaarada Yurub sidoo kalena daafacan asal ahaan dalka Ghana kasoo jeedo wuxuu xulka Jarmalka dhawaan kula guuleestay koobkii aduunka ee lagu qabtay dalka Brazil.

Waxaa intaas usii dheer in Boateng uu kooxdiisa Bayern Munich koob walbo kala guuleestay balse maanta waxaan si gaar ah uga hadli doonaa noloshiisa gaarka ah oo aan wax badan laga ogeyn daafacan awooda badan:

Boateng waa 25-jir waxayna saaxiibo yihiin gabadha lagu magacaabo  Sherin Senler, labadan lamaane mudo sanooyin ah ayuu xiriir adag ka dhaxeeyay waxaana haatan u joogaan labo gabdhood oo mataano ah waxaana lagu kala magacaabaa Lamia and Soley waxayna dhasheen March 8, 2011.

Boateng iyo xaaskiisa Sherin Senler ayaa xiriirkooda bur bur ku yimid sanadii 2012 kadib markii Boateng lagu eedeeyay inuu la caweeyay gabadh Photo Model ah oo dalka Jarmalka siweyn looga yaqaan laguna magacaabo Gina-Lisa.

Mudo labo sano ah Boateng iyo xaaskiisa Sherin Senler wax cilaaqo ah ma yeelanin balse bartamihii sanadkan ayay dib u xaliyeen qilaafkii soo kala dhex galay madaama uu xidigan qirtay inuusan wax qalad ah galin.

Haatan Boateng iyo qoyskiisa si farxad ku dheehan ayay ugu wada nool yihiin magaalada Munich ee dalka Jarmalka sidoo kalena Sherin Senler marwalbo ayay saaxiibkeed garab taagan tahay marka uu xulkiisa Jarmalka u cayaarayo ama xitaa marka uu Bayern u safan yahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>