Madaama dhaawacyo kala duwan awgiis ay xulka France uga baxeen daafacyada kala ah Loic Perrin iyo Eliaquim Mangala, waxaa nasiib u yeeshay in Les Blues loogu yeero daafaca dhalinta yar ee kooxda Chelsea kurt Zouma.
20-jirkan ayaa ku faraxsan in hormarka uu sameenayo uu dareemo macalin Didier Deschamps sidoo kalena loogu yeero xulka France xili xasaasi ah.
Zouma ayaa ku rajo weyn inuu Jimcada nagu soo fool leh markii ugu horeesay xulka France u cayaaro madaama inta badan daafacyada xulkan ay dhaawac yihiin sidaa darteed wiilkan dhalinta yar ayaa nasiib u yeelan doono inuu xirta maaliyada Les Blues.
Xulka France waxay jimcada nagu soo fool leh la cayaari doonaan xulka Albania kulan saaxiibtinimo halka Talaadada dambena ay sidoo kale kulan saaxiibtinimo la cayaari doonaan xulka Sweden.