Dalka Equatorial Guinea ayaa la xaqiijiyay in uu marti galin doono koobka qaramada afrika ee sanadka 2015-ka, isagoo bedelaya dalka Morocco oo diiday in uu marti galiyo koobkasi.
Xiriirka kubada cagta ee qaarada afrika ee (CAF) ayaa maanta oo jimca ah xaqiijiyay in madaxweynaha dalka Equatorial GuineaTeodoro Obiang Nguema Mbasogo uu ogolaaday marti galinta koobka qaramada afrika, ka dib markii ay wada kulmeen gudoomiyaha xiriirka CAF Issa Hayatou.
Xiriirka CAF ayaa sheegay in aan waxba laga badali doonin waqtigii qorsheysnaa in uu qabsoomo koobka qaramada afrika oo ahaa 17 bisha Janauary ilaa 8-da bisha Feberuary ee sanadka 2015-ka.
Dalka Morocco ayaa diiday marti galinta koobka qaramada afrika, isagoo ka cabsaday in ciyaartoyda iyo taageerayasha u soo daawashada tagaya koobka ay dalka keenaan cuduka Ebola oo faro ba’an ku haya wadamada galbeedka afrika.
Dalalka Equatorial Guinea iyo Gabon ayaa si wada jir ah u marti galiyay koobkii qaramada afrika ee sanadkii 2012-ka.
Xiriika kubadda cagta ee qaarada afrika ee CAF ayaa sheegay in afar magaalo lagu qaban doono koobka qaramada afrika, waxana magaaloyinkaasi ay kala yihiin:
Malabo, Bata, Mongomo Iyo Ebebiyin.
Qoraal ka soo baxay xiriirka CAF ayaa lagu sheegay in isku aadka koobka qaramada afrika 3-da bisha December lagu qaban doonaa magaalada Malabo ee caasimadda dalka Equatorial Guinea.
Sidoo kale Xiriirka CAF ayaa shaaciyay in xulka Equatorial Guinea loo ogolaan doono in uu ka soo qeyb galo koobka qaramada afrika, kadib markii sanadkan laga saaray is reeb-reebka koobka, iyadoo lagu helay danbi ah in ay soo safeen ciyaaryahan laga mamnucay tartanka.
Dalka Morocco ayaa laga saaray xiriirka CAF, ka dib markii uu diiday marti galinta koobka qaramada afrika ee sanadka 2015-ka, iyadoo Morocco ay codsatay in la joojiyo koobka qaramada afrika, balse waxaa arinkaas ku gacan seyray xiriirka CAF.
Waxaa horay ugu guulaystay sanadkii 2013 koobka qaramada afrika wadanka Nigeria iyadoona ku rajawayn in ay difaacan karto koobka lagu martigalin doono Dalalka Equatorial Guinea.