Home » Euro 2016 » Fabregas Oo Xulka Spain Dhaawac Awgiis Isaga Haray Sidoo Kalena Laga Cabsi Qabo Inuu Garoomada Ka Maqnaado

Fabregas Oo Xulka Spain Dhaawac Awgiis Isaga Haray Sidoo Kalena Laga Cabsi Qabo Inuu Garoomada Ka Maqnaado


Cesc

Xiriirka kubada cagta Spain ayaa si rasmi ah shaaca uga qaadeen in kubad sameeya Cesc Fabregas gabi ahaanba xulkan laga reebay madaama la xaqiijiyay dhaawaca uu qabo inuusan u suura galin inuu xulkan u safto.

Cesc dhaawaca uu seedka ka qabo wuxuu kasoo gaaray kulankii Chelsea todobaadkan la cayaartay naadiga Liverpool inkastoo uu magaalada Madrid soo gaaray si loo hubiyo caafimaadkiisa hadana markii baaritaan lagu sameeyay ayaa la xaqiijiyay in dhaawaciisa uu halis yahay.

27-jirkan ayaa haatan laga saaray liiska xulka Spain waxaana booskiisa lagu badalay Bruno Soriano oo naadiga Villarael ka tirsan wuxuuna nasiib xumo Fabregas seegi doonaa kulanka xulkiisa Spain la cayaari doono xulka Jarmalka oo ah mid saaxiibitinimo oo todobaadka dambe lagu balansan yahay.

Wararkale ayaa sheegayo in xidigan tayada wanaagsan uu kooxdiisa Chelsea ka maqnaan doono ugu yaraan mudo 3-todobaad ah waxayna midaas dhibaato ku noqon doontaa macalin Jose Mourinho oo horey u sadaaliyay in dhaawaca Cesc soo gaaray uu yahay mid halis ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>