Home » Maxaa Cusub » Falcoa Oo Qirtay Inay Shaqo Badan Ka Xigto Kasii Mid Ahaan Shaha Man United!

Falcoa Oo Qirtay Inay Shaqo Badan Ka Xigto Kasii Mid Ahaan Shaha Man United!


as_falcao_col

Radamel Falcoa ayaa qirtay inuu aad u jecel yahay kasoo muuqashada garoonka Old Trafford wuxuuna doonayaa laacibkan tayada wanaagsan inuu Man United lasii joogo mudo dheer sidoo kalena heshiiska amaahda mid rasmi ah loo badalo.

Balse weeraryahanka reer Colombia ayaa hoosta ka xariiqay inay shaqo badan u taalo lagana rabo dadaal badan si uu Man United ugu qanciyo heshiiskiisa amaaha in joogto loo badalo.

“aadban ugu faraxsanahay magaaladan, sidoo kalena ka mid ahaanshaha Man United waan ku raaxeesanaa”

“Balse aragti ahaan waa inaan dadaal dheeraad ah sameeyo sidoo kalena aan kulamo badan kasoo muuqdo garoonka Old Trafford si heshiiska amaaha ah uu mid rasmi ah u noqdo”

“Dhaawacyo badan ayaa ila ragaadiyeen balse haatan waan caafimaad qaabaa waxaana sugaa fursadeyda oo aan hubo inaan ka faa’iideesan doono marka ay isoo marto”

Weeraryahankan awooda badan ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegay inuusan heesanin kalsoonida macalinkiisa Luis Van Gaal.

“Marwalbo ayaan wada hadalnaa macalin Van Gaal waxaana u hayaa xushmad weyn sidoo kalena waan la dhacsanahay falsafadiisa cajiibka ah wuxuuna marwalbo igu dhiiri galiyaa inaan dadaal dheeraad ah sameeyo madaama uu ii sheegay inaan ka mid ahay xidigaha uu ku tashto”

Falcoa ayaa geeska kale ka dhawaaqijiyay in kooxdiisa Man United ay xili cayaareedkan ku guuleesan karto madaama ay kooxdan dib usoo laba kacleesay.

“Man United marwalbo waa naadi awood badan haatana dib ayay u heshay kalsoonidii ka maqneed sidaa darteed diyaar ayaan u nahay hanashada EPL iyo loolanka adag ee aan wajihi karno”

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>