Home » Europe » Champions League » Fernandinho Iyo Yaya Toure Oo Raali Galin Ka Bixiyay Kaararkii Casaanka Ahaa Ee Xalay

Fernandinho Iyo Yaya Toure Oo Raali Galin Ka Bixiyay Kaararkii Casaanka Ahaa Ee Xalay


YayaKubad sameeyaha kooxda Manchester City Yaya Toure ayaa raali galin ka bixiyay kaarkii casaanka ahaa ee xidigaan uu sida foosha xun ku qaatay kulan ay guuldaro kala kulmeen CSKA Moscow.

Laba gool oo ka timid Seydou Doumbia ayaa guul ka gaarsiisay Manchester City, inkastoo sidoo kalana Fernandinho uu qaatay laba jaale taasoo isna casaan uu ku muteystay.

Si Kastaba Yaya Toure ayaa raali galin buuxda ka bixiyay kaarkii casaa iyo guuldaradii koxdiisa soo gaartay isagoo isticmaalay bogga xiriirka bulshada ee twitter-ka.

“Taageeryaasha City: waan ka xumay roosaha, waxaan dareemayaa iney muhiim tahay inaan raali galin bixiyo”

Sidoo kale Fernandinho oo ahaa xidigii Toure kaga horeeyay kaarka ca ayaa isna raali galin kusoo diray bogiisa twitter-ka wuxuuna ku dayday Yaya Toure.

“Aad baan uga xumahay natiijada iyo kaarkii casaa ee la i siiyay, waxaan doonayaa inaan u mahad celiyo ciyaartoyda, taagerayaasha iyo dhamaan kooxda’

Ugu dambeyntii rajada Manchester City ee Champions League ayaa sii muuq beeleysa waxaana loo filayaa iney isaga harto hadii ay kulanka ugu soo horeeyay natiijo xumo kala kualnto isla markaana Roma ay guul gaarto.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>