Home » Horyaalada » Bundesliga » FIFA Oo Ku Dhawaaqday 5-Goolhaye Ee U Sharaxan Abaal Marinta FIFA FIFPro World XI 2014

FIFA Oo Ku Dhawaaqday 5-Goolhaye Ee U Sharaxan Abaal Marinta FIFA FIFPro World XI 2014


FIFA Pro 2014

Sidii la wada sugaayay FIFA iyo gudiga xirfadlayaasha kubada cagta ayaa si wadajir ah ugu dhawaaqeen 5-goolhaye ee u sharaxan sanadkan abaal marinta FIFA FIFPro World XI 2014.

5-goolhahaye ayaa lagu soo xushay waxqabadka ay 12-bilood ee ugu dambeesay la imaadeen waxayna kala yihiin xidigaha nasiibka u yeesheen inay u tartamaan abaal marintan qaaliga ah: Manuel Neuer (Germany / FC Bayern München), Claudio Bravo (Chile / FC Barcelona), Thibaut Courtois (Belgium / Chelsea FC), Iker Casillas (Spain / Real Madrid CF), Gianluigi Buffon (Italy / Juventus FC).

5-goolhaye mid ka mid ah ayaa ka mid noqdo doono kooxda sanadka ee FIFA FIFPro World XI 2014.

Waxaana 5-goolhaye u codeen donaan xirfadlayaasha kubada cagta qaybahooda kala duwan, waxaa kaloo xusid mudan in FIFA ay ku dhawaaqi doonto musharaxiinta abaal marinta dhanka daafaca 26 November,hlka musharaxiinta khadka dhexe lagu dhawaaqi doono 28 November sidoo kalena musharaxiinta weerarka waxaa lagu dhawaaqi doonaa 1 December.

Waxaana xusid mudan in boos walbo 5-laacib u tartami doonto taasi oo ka dhigan tirada musharaxiinta guud 55-cayaaryahan balse ugu dambeyntii 11-xidig ayaa laga dhex dooraan doonaa kuwaas oo mid walbo la gudoon siin doono abaal marinta FIFA FIFPro World XI 2014.

Hadii aan usoo laabano 5-goolhaye ee isku heestaan halka boos inay ka galaan kooxda sanadka, bal aan fiirino mid walbo taariikhda uu biladan ku keeyahay.

Manuel Neuer sanadkii hore ayuu biladan ku guuleestay sanadkan isaga ayaa ugu cad cad.

Claudio Bravo waa markii ugu horeesay ee uu nasiib u yeesho inuu ka mid noqdo musharaxiinta abaal marintan.

Thibaut Courtois sidoo kale waa markii ugu horeesay oo uu ka mid noqdo musharaxiinta abaal marintan.

Iker Casillas 5-sano oo xariir ah ayuu noqday goolhayaha aduunka ugu wanaagsan oo uu bilaadan qaadanaayay 2008 ilaa 2012!!

Gianluigi Buffon: labo jeer ayuu ku guuleestay abaal marintan 2006 iyo2007 sidoo kalena tan iyo markii abaal marintan bixinteeda la bilaasay sanadii 2005 ilaa haatan sanad walbo wuxuu soo galaayay 5-musharax ee biladan loo magacaabo!!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>