Home » Horyaalada » Bundesliga » Goolhaye Neuer Oo Dhaawac Awgiis Xulka Jarmalka U Safan Doonin Kulanka Ay Spain La Cayaari Doonaan

Goolhaye Neuer Oo Dhaawac Awgiis Xulka Jarmalka U Safan Doonin Kulanka Ay Spain La Cayaari Doonaan


Neuer

Goolhayaha kooxda Bayern Munich Manuel Neuer ayaa si rasmi ah loo xaqiijiyay inuu isaga haray xulkiisa Jarmalka oo safar gaaban ku aaday dalka Spain madaama habeenka talaadaa xulka Jarmalka kulan saaxiibtinimo la cayaari doono xulka Spain.

Goolhayaha aduunka ugu wanaagsan dhaawacan dhanka jilibka a ayuu kasoo gaaray inkastoo uu 90-daqiiqo cayaaray kulankii Jarmalka 4-0 kaga badiyeen xulka Gibraltar kulan ka tirsanaa isreeb reebka Euro 2016.

Macalin Joachim Low ayaa saxaafada u xaqiijiyay dhaawaca kabtanka xulka Jarmalka wuxuun yiri “Aadban u jeclaan lahaa Manuel inuu kulanka Spain cayaaro balse xaaladiisa halig ma galin karno sidaa darteed dhaawac ayuu nooga haray”

Macalin Low ayaa haatan ku qasban inuu kala xusho labada goolhaye ee kala a Roman Weidenfeller iyo  Ron-Robert Zieler shaqsiga qaban doono kulanka Spain.

Macalin Low dhibaato dhaawacyo baaxad leh ayaa heesato wuxuuna dalka Spain ula safray 17-cayaaryahan oo kaliya taasi ayaa ka dhigan in Jarmalka xidigo badan ay kulanka Spain ka maqnaan doonaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>