Home » Maxaa Cusub » Henry: “Inaan Maamulo Arsenal Waa Riyadeyda, Balse Waqti Ayaan U Baahanahay”

Henry: “Inaan Maamulo Arsenal Waa Riyadeyda, Balse Waqti Ayaan U Baahanahay”


001DF41600000258-2876711-Henry_moved_from_Monaco_to_Arsenal_in_August_1999_for_a_fee_of_a-m-8_1418768094529

Halyeeygii hore Arsenal Thierry Henry ayaa ku riyoonaya inuu tababare u noqdo kooxda Gunners, balse xidigii hore xulka Faransiiska ayaa shaaca ka qaaday iney waqti badan qaadaneyso inuu shaqada ka badalo Arsene Wenger.

Henry ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay kubada cagta, kadib markii uu afar sano iyo bar ku qarash gareeyay horyaalka Mareykanka, wuxuuna heshiis la galay Sky Sports isagoo shaqadaas kula biiraya saaxiibadiisii hore Neville iyo Carragher.

Henry wuxuu Arsenal kusoo biiray 1999, wuxuuna u safay Gunners 159-kulan, marka lagu daro waqti yar oo uu amaah ku yimid Emirates, wuxuuna dhaliyay 175-gool, inkastoo uu ka dhawaajiyay inuu jeclaan lahaa inuu maamulo Gunners.

“Waxey ii ahaan laheyd riyo ii rumowday” Ayuu Henry u sheegay Daily Telegraph.

“Marka hore waa inaad cadeysaa nafsadaada, waxbarataa marka hore, marka waa inaad fahanto waxa uu yahay maamule” Ayuu yiri Henry.

Ugu dambeyntii Henry ayaa qiray inuu maalin qaban doono shaqada kooxda Gunners, balse ay waqti ku qaadaneyso inuu fahmo shaqadaas.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>