Manchester United waxey [Sabtida] garoonka Old Trafford kusoo dhaweyneysaa kooxda Crystal Palace iyadoo aysan guul gaarin sadexdii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.
Barbarahii West Brom iyo Chelsea oo ay xigtay guuldaradii City ee isbuucii ugu dambeeyay ayey aheyd sadexii kulan ee ugu dambeeyay inkastoo kooxda aysan wali guuldaro kula kulmin gurigeeda.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Man United vs Crystal Palace
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Old Trafford
Saacadda: 6:00 Maqribnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN YAASE CIYAARI DOONA?
Cris Smalling ayaa ganaax ku maqnaanaya, halka Marcos Rojo uu isna dhaawacii kulankii darbiga Manchester uu ku maqnaan doono, sidoo kalana Rafael, Evans, Jones iyo Falcao ayaan wali la hubin xaaladooda.
Dhanka kale Palace ayaa weyn doona Jedinak oo casaan lasiiyay kulankii Sunderland iyo xidiga dhaawaca ah ee O’Keefe, walo Wilfried Zaha uusan ka hor imaan karin kooxdiisa.
United guul ma gaarin afartii kulan ee ugu dambeysay Horyaalka EPL-ka
Man United guuldaro kalama kulmin C. Palace 12-kii kulan ee ugu dambeeyay tan iyo markii ay qasaaro 3-0 ah kala kulantay 1991- kulan ka dhacay Selhurst Park.
Crystal Palace guul ma gaarin afartii kulan ee ugu dambeysay waxeyna fadhiyaan booska 17-aad.
Manchester United:
De Gea; Valencia, Carrick, McNair, Shaw; Fellaini, Blind; Januzaj, Rooney, Di Maria; Van Persie
Crystal Palace:
Speroni; Ward, Dann, Delaney, Kelly; Puncheon, McArthur, Ledley, Bolasie; Chamakh, Campbell