Swansea City ayaa Liberty Stadium kusoo dhaweyn doonta Gunners oo maalmihii ugu dambeeyay si qurux badan ku socotay isla markaana uu hogaanka u hayo weeraryahanka reer Chile Alexis Sanchez.
Kaliya laba dhibcood farqi ah ayaa u dhaxeeya labada kooxood, madama Gunners ay jiifto booska 5-aad, halka Swansea ay joogto booska 7-aad.
Arsenal waxey dooneysaa iney tiigsato afarta ugu sareysa walow ay kooxdaan kaliya iska lumisay hal kulan 10-kii kulan oo ay ciyaartay waxaana xusid mudan in kala bar kulamadii ay ciyaartay ay barbaro gashay.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Swansea City vs Arsenal
Tartanka: FA Premier League
Garoonka: Liberty Stadium
Saacadda: 7:00 Fiidnimo (Xiliga Geeska Afrika)
YAA MAQAN, YAASE CIYAARI DOONA?
Jonjo Shelvey ayaa Swansea ganaax kaga maqan kadib markii uu qaatay casaan ku yimid laba jaale kulankii ay barbardhaca la galeen Everton isbuucii hore, Sidoo kale Leon Britton ayaa ku dhaw inuu dib ugu soo laabto safka hore kadib markii xili ciyaareedkaan badankiis uu ku waayay dhaawac jilibka ah.
Dhanka kale Gunners ayaa weyneysa Mikel Arteta kaas oo dhaawac qaba, waxaana dib ugu soo laabanaya Jack Wilshere oo kasoo kabtay dhaawac uu qabay.
Koscielny, Ospina, Ozil, Debuchy iyo Giroud ayaa dhamaantood dhaawacyo kala duwan ku seegi doona.
MA OGTAHAY:
Swansea City guul kama gaarin Arsenal, shantii kulan ee ugu dambeysay oo ay labada kooxood ciyaareen tartamada oo dhan.
Lixdii kulan ee ugu dambeysay labada kooxood ay isku arkaan horyaalka Ingiriiska waxey iska dhaliyeen 17-goal.
Arsenal guuldaro lama kulmin 14-kulan, 15-kii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka Ingiriiska.
Arsenal waxey dhalineysay 2-gool, kulan walba oo ay marti u aheyd Swansea City dhamaan tartamada oo dhan.
Waa bilowgii ugu fiicnaa oo ay sameyso Swansea City, madama ay 15-dhibcood heshay 10-kii kulan ee ugu horeeyay.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Swansea City:
Fabianski; Rangel, Fernandez, Williams, Taylor; Carroll, Ki, Routledge, Sigurdsson, Montero; Bony
Arsenal:
Szczesny, Bellerin, Chambers, Mertesacker, Gibbs; Wilshere, Ramsey, Walcott, Sanchez, Cazorla; Welbeck