Kooxda Manchester United ayaa war fiican ka heshay dalka jarmalka kadib markii la sheegay in xidiga ay bartilmaameedka ka dhiganeysay ee Ilky Gundgon uu doorbidayo inuu ka ciyaaro horyaalka Ingiriiska.
Wiilka khadka dhexe ee Dortmund ayaa lala xiriirinayay kooxda Arsenal, balse United ayaa haatan aaminsan iney heysato fursad ay xidigaan kula saxixiato.
Gundagon oo ku dhawaaday inuu ku biiro Real Madrid, ka hor inta uusan xidigaan dhaawaca soo gaarin xili ciyaareedkii hore.
24-jirkaan waxaa waqtigiisa sanadihii ugu dambeeyay la dagay dhaawacyo hareeyay, balse haatan wuxuu doonayaa inuu u guuro EPL-ka.
“Inaan ka ciyaaro meel ka baxsan Jarmalka waa hamigeyga ugu weyn, hadii aan maalin ka tagayo halkaan waxaan jeclahay inaan ka ciyaaro Spain iyo Ingiriiska” Ayuu yiri Gundagon.
Ugu dambeyntii Manchester United oo si ba’an u baadi goobeysa xidig khad dhexe ah ayaa markaan dardar galin doonta arinta xidigaan.