Brazil ayaa wajihi doonta xulkii ay isku soo arkeen wareega 8da Koobka Adduunka ee Colombia iyadoo ay labada xul isku group ku noqdeen isku aadka Copa America 2015 oo la soo saaray.
Labada xul ayaa ku jira Group C waxaana kula wehliya Peru iyo Venezuela, halka Argentina, xulka koobkaan heysta Uruguay, Paraguay iyo Jamaica ay kuwada jiraan Group B.
12 xul ayaa ku tartamaya koobka xulalka qaramada South America oo magaalada Santiago ka bilaabanaya 11ka bisha June.
Finalka koobkaan waxa uu dhici doonaa 4ta bisha July.
Isku aadka waa sida hoos ku qoran:
Copa America 2015 |
||
---|---|---|
Group A | Group B | Group C |
Chile | Argentina | Brazil |
Mexico | Uruguay | Colombia |
Ecuador | Paraguay | Peru |
Bolivia | Jamaica | Venezuela |