Naadiga Juventus ayaa guusheedii ugu weyneed garoonkeeda cusub ku gaartay kadib markii ay 7-0 cagta ku marisay naadiga Parma kulan ka tirsanaa Serie A-da dalka Talyaaniga.
Cayaartan lagu tilmaamay damaashada goolasha Juve ayaa farxad galisay taageerayaasha Juve oo aad ugu raaxeesteen bandhiga xidigahooda waxaana goolasha min labo u qeebsadeen Tevez, Llorente iyo Morata.
Weeraryahanka reer Spain Fernando Llorente ayaa bilaabay damaashada goolasha daqiiqadii 23-aad waxaana kooxda Parma u labeeyay xidiga garabka midig Juve kaga cayaaro Stephan Lichtsteiner daqiiqadii 29-aad wuxuuna goosha kasoo toogtey meel aad u fog.
Fernando Llorente ayaa sidoo kale cayaarta 3-0 a dhigay daqiiqadii 36-aad waxaana qaybtii hore lagu kala nastay Juve oo 3-gool ku horkaceyso.
Markii la isku soo laabtay Carlos Tevez ayaa markiisa bilaabay dhalinta goolasha wuxuuna is raacsaday labo gool xariir ah daqiiqadaha kala ah 50-aad iyo 58-aad wuxuuna xidiga reer Argentina muujiyay inuu yahay geesi aysan Juve ka maarmin.
Alvaro Morata oo isagana badal kusoo galay ayaa wadno qabad ku noqday kooxda Parma madaama uu labo gool oo dheeraad ah ka dhaliyay daqiiqadaha kala ah 76-aad iyo 88-aad.
Kulankan xiisaha badnaa ayaa kusoo idlaaday 7-0 oo ay guusha ku raacday kooxda Juve natiijadan waxay ka turjamee kooxda uu hogaamiyo tababare Allegi in sanadkan aan loo dhawaan karin, sidoo kalena Juve waxay horey u qaaday tilaabo ay ku dooneyso inay sanadkii 4-aad oo xariir ah Serie A-da ku guuleesato!