Home » Africa » Kabtanka Iyo Goolhayaha Xulka South Africa Senzo Meyiwa Oo Rag Hubeesan Toogasho Ku Dileen!!

Kabtanka Iyo Goolhayaha Xulka South Africa Senzo Meyiwa Oo Rag Hubeesan Toogasho Ku Dileen!!


Meyiwa

Kabtanka iyo goolhayaha kowaad ee xulka qaranka South Africa Senzo Meyiwa ayaa la sheegay in rag hubeesan ay toogasho ku dileen xili uu aqalkiisa ku sugnaa.

Booliska dalka Koonfur Afrika ayaa shaaca ka qaadeen geerida ku timid Senzo Meyiwa waxaana la dilay xili uu ku sugnaa guriga saaxiibtiis oo ku yaalo xaafada Vosloorus, ee koonfurta magaalada Johannesburg.

27-jirkan ka tirsanaa naadiga Orlando Pirates ayaa la dagaalamay sedex nin oo hubeesan oo weerar gaadmo ah kusoo qaadeen aqalka saaxiibtiis xili uu ku sugnaa, waxayna burcadii sameeyeen inay xabado ku dhufteen Meyiwa kadib markii uu diiday inuu dhiibo Taleefonka gacanta lagu qaato oo uu xiligaas heestay.

Senzo Meyiwa 4-kulan ee ugu dambeesay xulkiisa Koonfur Afrika oo ay cayaareen isreeb reebka qaramada Afrika isaga ayaa goosha u haayay waxaana geeridiisa ka naxeen dhamaan bahda ehelka u ah kubada cagta dalka Koonfur Afrika.

Booliska magaalada Johannesburg ayaa u balan qaadeen $14,000 qofkii soo sheego burcadii toogashada ku dileen goolhaye Meyiwa.

Tsepo Masilela oo ah isku naadi yihiin goolhaye Meyiwa ayaa aad uga naxay arinkan wuxuu barta Twitter-ka soo dhigay oraahdan “Sidee macquul  u tahay in qof loo dilo Mobile dartiisa! Waa arin naxdin leh wuxuuna Meyiwa ka dhintay dhamaan reer Koonfur Afrika!”

Goolhayaha labaad ee xulka Koonfur Afrika Darren Keet ayaa isna arinkan ka hadlay wuxuuna yiri “Goormee foolxumadan ka dhamaan doontaa Koonfur Afrika! Aadban uga naxay sida fool xun ee loo toogtay waalkeenii Meyiwa”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>