Kabtanka xulka Portugal Cristiano Ronaldo iskoor cusub ayuu u dhigay reer Yurub madaama uu noqday xidiga ugu goolasha badan tartanka Qaramada Yurub wuxuuna Cristiano goolkan taariikhiga ah ka dhaliyay xulka Armenia isreeb reebka Euro 2016.
Ronaldo ayaa haatan leh 23-gool oo ka dhaliyay tartanka Yurub isreeb reebkiisa iyo marka la isku daro iyo tartamadiisa.
Ronaldo goolkiisii ugu horeeyay tartanka qaramada Yurub wuxuu ka dhaliyay xulka Greece habeen Portugal 2-1 looga badiyay tartankii EURO 2004.
Hadaba hoos kaga bogo 5-laacib ee ugu goolasha badan qaramada Yurub marka la isku daro tartamada rasmiga ah iyo isreeb reebka tartankan goolashiisa:
Cristiano Ronaldo (Portugal) – 23 gool, 37 kulan (2004–ilaa haatan)
Jon Dahl Tomasson (Denmark) – 22 gool, 31 kulan (1998–2007)
Hakan Şükür (Turkey) – 22 gool, 38 kulan (1994–2007)
Robbie Keane (Republic of Ireland) –21 gool, 42 kulan (1998–ilaa haatan)
Davor Šuker (Croatia) – 20 gool, 22 kulan (1991-99)