Inkastoo macalin Pep Guardiola iyo kooxdiisa Bayern Munich ay xili cayaareedkan guulo isdaba joog ah tartankan ka helayaan haadana xaalada kooxdan ma ahan mid wanaagsan.
Waayo Bayern Munich waxaa haatan dhaawac garoomada kaga maqan xidigo sare u dhaafatyo ilaa iyo 11-laacib, waxayna kooxdan ku sugan tahay xaaladii dhaawac ee ebid ugu xumeed.
Pep waa macalin qabiir ah kana faa’iideesan karo xidigaha uu heesto midaas ayaa u sahashay inuusan u dhibaatoonin xidigaha dhaawaca kaga maqan.
Balse si la yaab leh ayaa hal naadi looga sameeyay xidigaha Bayern dhaawaca haatan kaga maqan waxayna noqdeen 11-laacib oo aad u tayo wanaagsan iskana dhicin karaan kooxaha Yurub ugu caansan.
Hadaba Robert Lewandowski, Mehdi Benatia iyo Xabi Alonso dhawaan ayay ku biireen liiska tirade badan ee Bayern dhaawac garoomada kaga maqan.
Waxayna kala yihiin xidigaha Bayern dhaawaca kaga maqan:
Goolhaye: Starke
Daafaca: Badstuber, Benatia, Alaba, Lahm
Khadka dhexe: Alonso, Martinez, Thiago Alcantara, Rode
Weerarka: Pizarro, Lewandowski,