Home » Horyaalada » La Liga Spain » Lionel Messi: Maxaa Ka Hortaagan Inuu Jebiyo Rikoorka Dhanka Goolasha La Ligaha Spain

Lionel Messi: Maxaa Ka Hortaagan Inuu Jebiyo Rikoorka Dhanka Goolasha La Ligaha Spain


Leo

Lionel Messi todobaadkii hore wuxuu jebiyay rikoorka goolasha ugu badan ee laga dhaliyay tartank koobka horyaalada Yurub wuxuuna haatan 71-gool la wadaagaa halyee Raul.

Madama Messi uu haatan iskoorka Yurub ee dhanka goolasha kasoo farxashay xidigan caqabad weyn waxay ka taagan tahay inuu jebiyo rikoorka goolasha La Ligaha Spain.

Tan iyo markii uu xidigan kusoo dhawaaday inuu jebiyo rikoorka La Ligaha Spain xidigan dhibaato dhanka goolasha ah ayaa qabsatay wuxuuna haatan mara 3-kulan oo xariir ah oo uusan horyaalka Spain wax gool ah ka dhalinin.

Nasiib xumadan oo kale Messi waa ugu dambeesay bishii Janaayo ee isla sanadkan asigoo 3-kulan oo xariir ah La Ligaha gool ka dhaliyay sidaa darteed kabtanka xulka Argentina 2-gool ee uu u baahan yahay inuu iskoor kaga dhigo dalka Spain ayaa mixnad ku noqdeyn.

Messi ayaa ku qasban inuu labo todobaad sugto madaama haatan todobaadka dambe la cayaari doono kulamada isreeb reebka Euro 2016 iyo kulamo saaxiibtinimo sidaa darteed Messi maxaa ka hortaagay inuu iskoorka horyaalka ee dhanka goolasha jebiyo!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>