Home » Horyaalada » La Liga Spain » Luis Enrique Oo Kalsooni Dheeraad Ah Ka Helaya Maamulka Kooxda Barcelona

Luis Enrique Oo Kalsooni Dheeraad Ah Ka Helaya Maamulka Kooxda Barcelona


Enrique

Gudoomiyaha kooxda Barcelona Josep Maria Bartomeu ayaa markale ku celiyay in maamulka sare ee kooxda Barcelona inay kalsooni buuxdo ku qabaan macalin Luis Enrique oo uu haatan cadaadis culus saaran yahay.

Josep Maria Bartomeu ayaa dhanka kale qirtay in sanadkan 2014 uu ahaa mid ay kooxdiisa dhibaato badan la kulantay balse wuxuu ku kalsoon yahay in 2015 uu noqon doono sanad farxadeed.

“2015 waa sanad muhiim u ah Barcelona, waayo waxyaabo baadan ayaan u hanqal taageynaa mana gaari karno hadafkeena hadii aan kalsooni buuxdo ku qabin macalin Luis Enrique”

“Waa macalin wanaagsan una qalmo inaan kalsooni siino madaama uu ilaa haatan dadaal dheeraad ah sameeyay, waxaana rajeynaa inuu kooxda guulo muhiim ah gaarsiino doono marka uu xili cayaareedkan dhamaado”

“2014 ma ahayn sanad inoo wanaagsan, waxyaabo badan ayaa dhaceen, dhanka guulaha kooxda hiigsi badan ma sameynin sidoo kalena dhibaato maamul xumo iyo arimo dadka qarsanaa oo banaanka usoo baxeen ayaa kooxda hormarkeeda ragaadiyeen”

“Mustaqbalka Barcelona waa mid ifaayo waxaana ku faraxsanahay geesinimada ay muujiyeen ilaa haatan macalin Enrique iyo xidigahiisa inkastoo mararka qaad aan la kulanay guuldarooyin lama filaan ah”

Kooxda Barcelona ayaa haatan kaalinta labaad kaga jirto horyaalka Spain waxayna 5-dhibcood ka hooseysaa Real Madrid.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>