Home » Maxaa Cusub » Man United Oo U Dhaqaaqday Soo Xero Galinta Miranda Madaama Atletico Diyaar U Tahay Inay Iibiso Daafacan.

Man United Oo U Dhaqaaqday Soo Xero Galinta Miranda Madaama Atletico Diyaar U Tahay Inay Iibiso Daafacan.


Miranda

Daily Express ayaa sheegay in kooxda Man United ay isku diyaarineyso inay  £20m kula soo wareegto daafaca reer Miranda horaanta bisha Janaayo madaama kooxdiisa Atletico Madrid ay diyaar u tahay inay xidigan iska iibiso.

Macalin Diego Semeone ayaa qirtay in Miranda ay fasixi doonaan bisha Janaayo hadii ay helaan dalab raali galiyo sidaa darteed Express ayaa bogiisa hore ku qoray in Man United oo baahi weyn u qabto daafac tayo wanaagsan ay ahmiyad weyn siin doonto soo xero galinta xidiga reer Brazil.

Kooxda Atletico Madrid ayaa doorbiday inay ceshato daafaceeda dhalinta José Gimenez sidaa darteed bisha Janaayo Miranda ayay iska fasixi doontaa oo ay aaminsan tahay inay ka maaranto.

Miranda waxaa qandaraaskiisa lagu jebin karaa £24m balse heshiiska uu Atletico kula jiro kaasi oo ku eg sanada 2016 ayaa ku qasbi doono kooxda reer Spain inay aqbasho dalabka £20m oo ay Man United diyaarka ula tahay.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>