Home » Maxaa Cusub » Mourinho Oo Meesha Ka Saaray In Chelsea Ay Bisha Janaayo Cayaartooy Soo Iibsan Doonto

Mourinho Oo Meesha Ka Saaray In Chelsea Ay Bisha Janaayo Cayaartooy Soo Iibsan Doonto


JM

Macalin Jose Mourinho ayaa si rasmi ah saxaafada ugu sheegay in bisha Janaayo uusan cayaartooy cusub kooxdiisa Chelsea kusoo kordhin doonin madaama uusan rabin inuu niyad jab u keeno xidigaha haatan garoonka Stamford Bridge ku sugan.

“waa run xidigo nagu filan ma heesato, balse laacibiin aad u tayo wanaagsan ayaan heesanaa oo weliba dhalin yar sidaa darteed kalsooni buuxdo ayaan ku qabaa xidigaha aan heesto”

“Waxaan qiimeyn ku sameyn doonaa mashruuceena marka uu xili cayaareedkan dhamaado sidaa darteed Chelsea cayaartooy cusub kuma soo biiri doonaan bisha Janaayo sidoo kalena xidigaha haatan noo joogaan mid mid ka mid ah ma fasixi doono!”

Macalin Jose Mourinho xagaagii aan kasoo gudubnay ayuu lasoo saxiixday Diego Costa, Filipe Luis, Loic Remy iyo Cesc Fabregas waxayna kooxdan kusoo kordhiyeen awood dheeraad ah.

Madaama ay Chelsea haatan horyaalka England hogaamineyso wuxuu Mourinho doonayaa inuusan qalbi jab ku ridin xidigaha dadaalka xiligan muujinaayo taasi ayaa ka dhigan marka uu xili cayaareedkan dhamaado in qiimeyn lagu sameyn doono xidigaha ku sugan Stamford Bridge.

Halkaan Ka dhiibo Fikirkaaga Facebook-ga Ee Warbixintaan

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>