Paul Pogba ayaa ka dhawaajiyay inuu doonayo inuu u wanaagsanaado sida Zinedine Zidane, xili xidigaan Juventus ka tirsan uu kooxdiisa ku sheegay iney ka mid tahay kooxaha ugu waaweyn aduunka, iyadoo wararka qaar ay xidigaan la xiriirinayaan Real Madrid.
Wiilkaan reer France ayaa haatan lala barbardhigaa Yaya Toure iyo Patrick Vieira kuwas oo ah xidigo khadka dhexe aad loogu qiimeeyo kubada cagta, balse isagu wuxuu doortay inuu ku daydo halyeeygii hore Juventus iyo Real Madrid Zidane.
“Real Madrid waa koox weyn, sidoo kale Juventus waa iyana koox weyn” Pogba ayaa ugu waramay La Gazzetta dello Sport.
“Waxaan ku sugnaa Manchester United markii aan go’aansaday inaan ka dago Torino kuna biiro Juventus”
“Waxaan Italy ku dareemayaa wanaag, qof walba oo ku sugan xerada Vinovo wuxuu ii yahay sida qoyskeyga, kaliya waxaan waqtigaan ka fakaraa hormar ciyaareed ee igu saabsan, waxaan doonayaa inaan noqdo Zidane oo kale”
Sidoo kale Paul Pogba ayaa ka hadlay hamiga kooxdiisa ay ka leedahay Champions League iyo wuxuu ka filan karo kulanka Malmo ee arbacada ay wajahi doonaan, wuxuuna qiray iney ku rajo weyn yahiin guul ka gaarida kooxda reer Sweden.
Ugu dambeyntii Juventus haatan waxey kaalinta koowaad dhibco wadaag kula tahay Olympiakos oo booska sadexaad ku jirta waxeyna u baahan tahay Juve iney hesho ugu badnaan lix dhibcood si ay usoo baxdo.