Marka hore waxaan u mahad celineynaa Allaah Subaxaanah Wa Tacaala ah oo mar labaad na kulmiyay, kadib waqti yar oo aan hawada ku kala maqneen cilad dhanka server-ka ah oo na heysatay awadeed.
Injineerada Shabakadda waxey xal u heleen iney soo afjaraan Cilad mudooyinkii dambe ragaadisay Shabakadda oo ay dhib ku aheyd akhristayaasha iney soo booqdaan.
Mar Kale Waxaan u mahad celinaay Adinka [Akhristayaasha] oo mar walba nagu xiran isla markaana aan ka baaqsan booqashada Shabakadda.
Ugu Dambeyntii waxaan diyaar u nahay inaan halkii kasii wadno howlahii Shaqo ee aan u heynay Bulshada Sports-ka ee mar walba dariska la ah shabakadda.
Maamulka Shabakadda